SHEEKO KALE KEEN: Gideer iyo Jiriqaa – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Qudhaanjadu waa umado badan oo kala jaad ah. Umadahaasi waxa ka mid ah Macaanjecesha, Aboorka, iyo Gideerta. Gideertu waa qundhaanjada yaryar ee madow ee faraha badan. Waa umad hab iyo maamul la yaab leh; waxaanay ka midtahay tusmooyinka Eebbe ee ay tahay inuu aadamuhu u fiirsado oo wax ku qaato.

Wax badan baad aragteen Gideertu iyada oo sida ciidan milateri is daba socto oo hawlgalo ku jirta. Waa abuur hawlkar ah oo dadaal iyo iskaashi  dhaqan u yahay. Shaqaalaheedu isaga oo habaysan ayuu hawlgalaa oo qayb waliba hawsheed si fiican u qabsataa.

Qaybta u xilsaaran dhiska, waxay sameeyaan qasriga boqortooyada, guryaha askarta, guryaha shaqaalaha, bakhaarada kaydka cuntada, iyo wadooyinka xidhiidhiya gudaha iyo dibidda boqortooyada. Qaybta amaanka cuntada, waxay soo guraan cunada oo ku kaydiyaan bakhaarada. Ciidankuna wuxu ilaaliyaa aminga iyo xasiloonida boqortooyada.

Gideerto guga iyo xagaaga, markay hawadu diirantahay, si joogto ah ayay u shaqaysaa. Qadhaab badanna way soo ururisaa oo waxay kayd ahaan ugu xeraysaa bakhaarda kaydka. Marka moosinka qabaw ee jilaalku galo, cuntaduna yaraato, Gideerto guryaheed diiran intay gasho ayay cuntaa kaydkii ay dhigatay.

Jiriqaagu se waa hoobal jecel inuu heeso oo ciyaaro. Noloshiisa inta badana hees iyo ciyaar ayuu ku dhamaystaa; mana kaydsado cuno sida Gideerta. Sidii uu u heesayay ee uu u ciyaarayay gugii iyo xagaagii ayaa jilaalka soo galay. Cunadina gabaabsi ayay noqotay. Isaga oo qadhaab waayay oo gaajo la tiicaya, ayuu boqortooyadii Gideerta ku soo baxay, markaasuu martiyay.

Gideerti waxay Jiriqaagii weydiisay, “Gugii iyo xagaagii miyaanad cuno kaydsan?” “Maya,” ayuu yidhi “waxba maan kaydsan.” “Maxaad qabanaysay?” ayay ku celisay Gideerti. “Hoobal baan ahoo, waan heesayay oo ciyaarayay,” ayuu yidhi.

Intay Gideertii irridihii ka xidhatay ayay ku tidhi, “Hoobal, haddii aad gugigii iyo xagaagii heesaysay oo ciyaaraysay, iminka halkii ka sii jiibi!!!”