SHEEKO KALE KEEN: Fiidmeer Ha Noqon – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin

Waxa beri colaatamay habardugaag iyo shimbro. Dhinaca waliba wuxu bilaabay in uu is habeeyo oo iska caabiyo dhinaca kale haddii colaadu sii xumaato. Ciidamo urursi, tababaro, sirdoon, iyo dhoolotusad ayuu dhinaca waliba bilaabay.

Shimbirihii oo tababar ku jira ayaa waxay soo mareen deegaankii fiidmeerta. Waxay ku yidhaadeen fiidmeertii, “Waxad tihiin shimbro duula eh, ciidanka shimbriha ku soo biira.” Fiidmeerti waxay u celiyeen, “Waanu duulaa, hasa yeeshee, shimbro ma nihin ee raali naga ahaada.”

In yar ka dib ayaa hadana waxa soo maray deegaankii fiidmeerta, habardugaagii  oo hawgal ku jira. Iyana waxay fiidmeertii ku yidhaahdeen, “Ugxanlay ma tihidin ee naaslay dhasha sida yada ayaad tahayiin na soo raaca.” Waxay fiidmeerti ugu jawaabeen, “Inkasta oo aanu naaslay nahay hadana waanu duulaa oo shimbraha oo kale ayaanu nahay ee raali naga ahaada.”

Muddo dabadeed ayaa heshiis dhexmaray shimbrihii iyo habardugaagii oo ay nabdeen. Ka dib markay nabaddi tisqaaday, ayaa fiidmeerti u tageen shimbrihii si ula dabaaldegaan. Shimbirihi markay arkeen fiidmeertii ayay ku heeseen, “Ha duuleene waa habarduugaag; ha duuleene waa habardugaag. Ee diida oo ka wada duula.” Waanay ka duuleen.

Hadana fiidmeerti xagii habardugaaga ayay u kacday. Markay habardugaagii arkeen fiidmeertii ayay ku heeseen, “Habeen duule maaha habardugaag; habeen duule maaha habardugaag. Ee ha soo dhowayn haynaga tagee.”

Ka dib markay heestii maqaleen, ayay fiidmeertii iska tageen iyaga oo naftoodii ku leh, “Inaga ayaa halkaa is dhignay. Haddii aad cidba noqon weydo; cidlaad ku dhacadaa. Ama fiidmeer ayaad noqotaa!!!”