SHEEKO KALE KEEN: Ama Hirdi Ama Hoos Day – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Laba tays ayaa iskaga hor yimi wadiiqo yar oo buur dheer ku taal. Wadiiqada jar, wixii ka dhacaa ay limanayaan oo aanay naf dhulka la gaadhayn, ayaa ka hooseeya. Labadii tays, oo aan wadiiqada isku dhaafi karayn, yaa is hor joogsaday.
“Waar xagaa buurta fano oo wadiiqada ii baanee,” ayaa mid yidhi.
“Waar fananmaayo buurtee ka leexo wadiiqada,” ayaa kii kale u celiyay.
Intuu lugta midig dhulka ku xaadhay oo giir iska kiciyay ayuu u celiyay, “Haddii aad leexan weyday, hirdin u diyaar garow!”
Kii kalena inta uu is neefeeyay sankan qiiq ka keenay, ayuu ku yidhi, “Haddii aan la hurayn, hirdin jiijaa!”
Hasa yeeshee, intii aanu hirdintii holan, ayuu hoos eegay. Markuu dalawgii arkay ayuu indha daraandary. Isaga oo dawakhsan ayuu fadhiistay. Dawakhi markii uu ka ba’ay, ayuu ku yidhi tayskii kale, “Waar waan fadhiisanayaa, iga talaabso.”
Si fudud ayaa tayskii kale uga talaabsaday. Halkaasi ayay isku dhaafeen oo labadoodiiba ka nabad galeen inay ka duulaan jarkii!!!

W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin