SHEEKO KALE: DHAQAAQ MA LEH

Boqortooyinkii hore ee Shiinha waxay lahaayeen dhaqan maamul oo xiiso leh. Boqorku halka uu wax ka maauli lahaa, waa la maamuli jiray.

csalaan

Qorshe ma dhigi jirin. Go’aan ma gaadhi jirin. Amar ma bixin jirin.Kaalin tiisu waxayku koobnayd in uu carshiga fadhiisto; oo aamuso; oo awoodiisa daawado; oo shaqaalihiisa uu igmaday inay dalka maamulaan daawado.

Looma ogolayn inuu wax akhriyo. Looma ogolayn inuu wax dhegaysto. Looma ogolayn inuu kaftamo. Haddii uu dhaqankaasi ka leexdo ama gef ka dhaco boqorkana, waxa toosin jiray shaqaalihiisa. Marka uu ag joogo boqorku, shaqaaluhu karti iyo firfircooni badan ayay muujiyaan jireen. Waxana ku soo neefi jiray oo saamayn jiray awoodda boqorka ee ag joogta.