Sheeko Jacaylka Mise Siyaasadda!

 

Waxan ahay wiil dhalinyaro ah oo ku nool Somaliland gaar ahaan caasimada hargeysa waxan dhigan jirya jamacadaha hargeysa mid ka mida balse nasiib wanaag aniga oon dhamaysan ayaan ka baxay kadibna shaqa yar ayaan helay oon galinka hore ayaan ka shaqeyaa maalin maalmaha ka mid ah ayaan gabadh aad u qurux badan isbarnay kadibn gabadhi jacayl xoogan ayaa na dhexmaray gabadhu iyadu waa gabadh dhamastay waxbarashadeeda heer jamacadeed waxa ay ka shaqaysa xafiis haayadeed inta ay shaqada ku jirto moyaane inta kale oo dhan waxay jeceshay in aanu wada haasaawno si aanu arimo badan uga wada hadalo

 

Balse anigu waxan aad u xiseyaa siyaasada taas oon maalin walba ku mashquulsanay falanqaynteeda xada marka aan shaqada ku jiro ayaan niyada ka falanqeeyaa xata habeenki oon aad u xiseeyo in aan daawado TVyada ka hadlaya siyaasada iyo mar mar ka qaar oon ka sojeedo goobaha lagu hadal hayo siyaasada .

 

Hadaba marka ay makhribka tahay ayaan waxan ku dhaha gabadha aan is jeclahay caawa ila soo hadal markaad shaqada ka soo rawaxdo balse kamalafan oo marka aan gabadha balan uqado ayaan asxaabta siyaasadana balan uqada kadibna waxan tagaa goobtii aan awalba ku faaqidi jiray siyaasada waxba yaan hadal kugu daaline markaan gadho goobtii falnqaynta siyaasada een cabaar faaqido ee ay bahashu meel macaan maraso waa siyaasadee ayaa waxa iso wacada gabadhi aan jeclaa hadaba waa yaabe ! ma gabadha aan jecalay baan la hasawaa mise siyasada isaaqday baan faaqida?

Oo sow hadi aan siyaasada halaka ka sii wado oon gabadha ku dhaho iyar sug iga niyad jabi mayso ?dhanka kale hadii aan gabadha doorto oon la hasawo saw xiisaha siyaasadu idhaafi maayo ? xaalku waa laba daran mid dooro .

Hadaba akhriste waanigaa ku bandhigay amuurahayge maxaad igula talin lahayd?

Fiiro gaar ah qisadu waa saxiibkay cumar nuur cali

W/Q:Cabdiraxmaan Rashiid Axmed

Emil :cabdiraxmaan800@gmail.com

0634824138