Sheeko Gaaban: Wariyihii Sannadka! – Qalinkii Saddaam Xuseen Carab

Saddam Carab
Saddam Carab
Saddam Carab

Ma ihi kibbaar waxa se la iigu yeedhaa kibbaar, waa magaca uu aabbahay ii bixiyay barigii aan  u dhashay. Ma garanayo sabab uu iigu dooray isagu magacan iyo sabab ay hooyaday iigu doori wayd midkale toona. Waxaan se garaadsaday iyaga oo labaduba magacaas iigu yeedha. Inkasta oo aanan jeclayn haddana waa ii hanti oo i hurran. Dhowr goor oon isku dayey qof ahaan in aan doorsado waa ay ii suurobi wayday sababo dhaqan ahaaneed. Haddana magacaygan qalloocani kuma uu noqon caqabad noloshaydii dhallaannimo iyo tan dhallinyaronimaba. Waxaanan ka mid ahaa caruurta xaafadda ka caanka ah ee magacooda lagu soo hal-qabsado marka dhiirranaan iyo ciyaar wanaagga kubadda cagta la soo hadal qaado. Dhallaanka kale ee ila da’da ahaa waan ka firfircoonaa kana furfurnaa siyaabo badan. Waxaan badanka ka ag dhowaan jiray dadka waawayn oo ay qaarkood malaha iga jeclaayeen ubadkooda! Sidoo kale waan ka sheeko iyo hadal badnaa filkay, taasina waa sababta dadka waawayni ii warsan jireen aniguna aan ugu warrami jiray. Marar badan ayaan markhaati galay anigoo da’ yar xog la igu tuhmay sababteed.

Dugsiga markii aan ku jiray waxaan ahaa caan sidoo kale, xarfaannimo aan aqoonta ku ahaa awgeed ardaydu iguma baran se xogta badan eeay  iga heli jiray awgeed ayaan ku khasabtay in ay I bartaan waliba I jeclaadaan. “War baa u gaajo badane” waxay ardaydu ka hirqan jireen warkayga kana haqab beeli jireen dulucdiisa! Sideedaba qofka laga helo war dheeri ka ah inta la  hayo tuhun ama tu dhaba ka ay tahayba waa la jecel yahay bulshadan dhexdeeda. Taas waxa aniga ii dheer in aan ma gabbade dhiirran ahaa oo warka laba dhiga waliba u dhuun daloola.

Inkasta oo aan arday ahaa haddana maan jeclayn wax dhigashada oo waxaan ku tagi jiray dirqi, imitixaankana ku dhaafi jiray dirqi, dabadeed ku dhammeeyay dirqi dugsigii sare. Qorshaha iigumay jirin in aan jaamacad galo dal iyo dibad toona, waayo waxbarashada dugsiga ayaaba marka hore igu ahayd dirqi oo waalidkay igu dirqiiyeen. Maalintaan dhammaystay dugsigaa sare baa iigu dambaysay fasal aan dhex fadhiisto iyo fayl(saf) aan galo. Lakiin in aan ka dhacay sallaanka waxbarashada iyo silsiladdaa qayrkay sii xejisteen iguma ay keenin in aan dhulkaga iskaga soo dhaco, ama iska noole nool ahaado, ee isu noole nool ugu yaraan in aan noqdo ayaan rabaa oo iga go’an shakhsi ahaan.

Fikir iyo faaqidaad habeenno qaadatay ayaan ku baadi goobay waxa ay noqon doonto hawl maalmeedkayga uu ku tiirsanaan doono nolol maalmeedkaygu, si uu u dhaboobo go’aankaygaasi. Jiroo ra’yiyo door ahi igu soo maaxdeen haddana waxa si aad ah iiga dhex guuxaysa mihnad aan xiisayn jiray ilaa caruurnimodaydii, oon waliba u qabay xiise ciidda ka badan oon caadi ahayn. Samadu Inta ay ii jirto haddii ay ii jiri lahayd iimabay jirsane waxa iga go’nayd gaadhiddeeda. Ka sokow in aan nafsad ahaan jeclaa anigu, waxa  ila jeclaa dadka iyaguna. Hadh iyo habeen igamay dayn jirin inay igu dhiirriyaan noqoshada suxufi. Waxaanay dadku igu sifayn jireen in aan ahayn qof codkar ah, dhiirran oo wararka u dhuun daloola waligiiba isla markaasna uga faro dhuudhuuban cid kasta. Malaha iyaagaba naftayda iiga war roonaaye waxay xataa igu odhan jireen ‘Ehelkeedii ayaad tahay oo allaa kuu abuuray iyada’.  Markaasbaa xiisuheeduna naftayda isku isku libin laabaa laabtaydana xara dhaamiyaa!

Sida aan aaminsanahayna wadarta bartilmaameedkaygii iyo boorrintii dadka ayaa bud-dhig u ahayd shaqadaydan suxafinimo. Waxay ahayd bilawgii rajada noloshayda iyo dhammaadkii walwalka shaqo li’idayda, waxaanan si aad u fudud shaqo uga helay mareeg, kadibna aan uga wareegay wargays, ilaa TV aan soo dhex kadaloobsaday.

Waxaa si qurux badan ii soo dhaweeyay bahda aan ku soo biiray, oo ka mid noqoshadoodu dammisay dhamac iyo qaac igu shidnaa oo shiddaynayey naftayda. Waa bah da’ yar u badan oo ay fududdahay in lala jaanqaado oo lala joogaa. Waxaan sawiran jiray wax, wax qurxoon oo rajo ah, waliba aan u riyaaqi jiray xataa markaan kalida ahay. Waxaan ku faraxsanaa wadarta dhib yarida aan ku soo galay iyo dhib li’ida hawsha oon ka soo dhalaali doono. Haa oo, wararka  waxaan xogogaal ugu ahaan doonaa sidaan waligayba ugu ahaa ilaa caruurnimo oo dhib iguma aha. Waana shaqadayda inta la iiga baahnaa intaasi. Sidaas bay wax waliba u hirgaleen ee aan himilaynayey. Sidii dhallaannimo ayaanan caan u ahay saxaafadda dhexdeeda, waxaanay wali dadku ii warsadaan sidii barigaa horeba ay ii waraysan jireen. Aniga oon baran aqoon warfidyeennimo baa haddana dadku la dhacsanaayeen wararka aan tabiyo. Bal adba qiyaas oo miyaanay ahayn wax aan ku farxo oon u farxo?

Muddo kooban haddii aan ku jiray waxaan ka kore maray kuwii dhiggay ahaa ee iiga soo horreeyay shaqadan. Iga walle iyagaaba u qaadan waayey! Markaasbay qaarkood igu yidhaahdeen halkeed uga soo baxday saxaafadda? Waydiin xumadooda ma wax la bartay u haystaan waxa? Miyaanay ogayn in warfidiyeennimadu tahay hibo ilaahay dadka siiyo oo uur hooyo lagala soo baxo. Waa taas sababta loo noqdo saxafi ayaanan u sheegay! Waxa ila qaba dad badan; sababtaaasna aan ku helaa taageeradooda dadkaas. Isla jeerkaasna waa ta aan kaga caan baxay kuwii kol nala wada qoray shaqada, iyo waliba kuwii  ruug caddaaga ku ahaa saxaafadda ee da’dayda tiradeed ku soo jirayba. Haddaanay ahayn hibo lala dhasho maxay waxaas oo dhan ay iigu suuro galeen? Midda kale haddii ay aqoon tahay maxay dadku u qiimayn waayeen kuwoyawgan waqtiga badan iskaga lumiyey dhigashada sida war loo sheego, war aan waligayba sheegi jiray?

Gudo iyo dibadba waa la I bartay, farriimo aan yarayn ayaa had iyo goor ay iska soo daba dhaca sidii tusbax furtay, garre iyo guntane uma kala hadhaan. Waxay isugu jiraan tiro badan oo I bogaadiya iyo inyar oo bilaash ii maagta. Laakiin uma dheg jalaqsiiyo kuwan dambe. Oo maxay ii tarayeen markka horeba? Qoridda wararka ku-tidhi-ku-teenka ah ayey dadku xiiseeyaan sidoodaba, qof ahaan anigana waxa iga go’an waxa ay xiiseynayaan dadku in aan ku xasiliyo dareenkooda. Marka qodobkan laga hadlayo ayey dadkaa tirada yari igu yidhaahdaan ‘dadkaa ku haga’e wax aanad hubin dadka ha ku halaagin’. Oo haddii ay i hagaan dadku maxaa ku jaban horta? Miyaanay ahayn kuwaan warka ka iibinayey? Wax ka gadma ma ha baahin ayey I leeyihiin. Kuwo iska hadlay ayaan u aqaan anigu kuwaas igu qabsaday waxa ay dadku u hamuumayaan.

Imika haleelkaygu sinaba uma badna, habeen iyo dharaarba waan hawlanahay. Saddex mareegood iyo hal jariirad ayaanan u shaqeeyaa. Iska dhaaf naftaydee ehelkaygii ayaan xataa qaarkood biiliyaa oo bariis iyo barashaba ka bixiyaa. Markaasaan gaar u fadhiistaa marar oon hoos iskula hadlaa dabadeed idhaa tolow waalidkaa hadday ku ogaan lahaayeen sida aad ummadda uga shaqaysato ma kuu bixin lahaayeen deeq ama Warsame? Ma ay saadaalin karayn sida aad noqon doonto’e ha dhibsan ayaan idhaa haddana. Maya oo haddaa kibbaarnimadayda xagay ka ogaadeen? Mooyi!

Kollay hagardaamo iyo hiif sina uma waydide haddana qaar aqoon isbida ayaaa Kibbaar igu sheega oo la ii sheegay in ay meelahaas ka yidhaahdaan qalinkuu iska qaatay iyo saxafi maaha ee waa kibbaar! Kuwayawna waxaabay ii sheegeen dhalleecayno caantayn ah aniga oo hor jooga. Oday ka mid ah kuwa saxaafadda ku gaboobay een cidina akhrin warkiisa ayaa igu yidhi maalin “Adeer masuulbaad tahay oo xi lculus ayaad u haysaa dadkee sidan aad tahay iska geddi oo dadka u tudh adiguna naftaada u tudh”. Dadka uu I leeyahay u tudh maxaan u geystay ma in ay I bartaan, warkaygana iibsadaan ayaa dhib ku ah dadka?! Iima aha suuro gal in aan yeelo sida uu ileeyahay yeel,  sida aanay suuro gal iigu ahayn in aan iska firdhiyo macaamiisha warkayga sida raashinka u quudata ee magaca iyo maamuuskaba ii haya. Malahayga wuxuu rabay uun in ay dadku igu I nacaan oo igu yidhaahdaan waxba ma qortid, kollay haa, laakiin kamaan yeelin nasiib wanaag.

Kasii darane ku kalena maalin isagoon moodayo in uu wax wayn ii hayo ayuunbuu si iigu yidhi “wararka sug, qoraalka sax, xigashada saaf iyo soohdintaada saxafinnimona ha dhaafin”. Waxsheegoow ba’! ma intaasuu iiga dhigay talo? Qodobadan daciifka ah ee uu sheegayey uma arko dhib wayn anigu, inta warkayga dadku u liqayaan sida hunguri dhubuqeed! Inta aan haysto dad xor u ah taageeradayda khalad iyo saxba, taasi waxay iiga dhigantahay wax aan macno lahayn. Dhammaantood se waxaan ku dhaafaa ‘Habar baa iska haw hawlee heellada inoo tuma’.

Gebogebadii cid kastaa wax ha i tidhaahdo ama iska tidhaahdee, waa aniga saxafiga dhabta ahi, sifadayduna dhab ahaan waa taas. Waxaan ahay xor si u araggayga, ahaaanayaa xor, inta aan hasto dad xor ah, xor u ah taageeradayda si walba! taasna waxa caddayn u ah hufnaanta iyo halabuurnimada Rabbi iigu deeqay. Miyaanay ahayn astaan buure ah oo lagu garto qummanaanta qofka hadba taageerada uu haystaa?

FG: Waa sheeko male awaal ah.

Qalinkii: Saddaaam Xuseen Carab

saddamcarab@gmail.com

saddaamcarab.blogspot.com

Hargeisa Somaliland