SHEEKO GAABAN: QISADII SHINADA IYO DUQSIGA!!!!

Waxaa jiri jirtay in shini fara badani ay deegaan ku ahayd goob tuulo ah, halkaas oo ay ku noolaayeen dadwayne badan. Faaiido badan ayay dadwaynahaasi ku qabeen Shinidaas, waayo waxay usoo saari jirtay malabka noociisa saafiga ah ama loo yaqaano ‘dooca’ kaas oo faa’iido badan oo caafimaad ulahaa bulshada deegaankaas. Hadabada waxa dhici jirtay in kooxo dhalinyaro ahi ay dhanka kale dhib ku hayeen shinadaas, iyaga oo layn jiray noocyada shinidaas. Shinidii ayaa dhibtii u adkaysan wayday waxaanay go’aansatay in ay gabi ahaanba aagaasba iskaga guurto. Markii ay guurtay, ayay aqoonyahankii iyo waxgaradkii degaankaasi u tafa-xayteen sidii ay usoo lad qabayn lahaayeen shinadaas guurtay, madaama oo ay kala guurayso faa’iidooyin badan. Odayaashii dadaal badan kadib waxay kusoo guulaysteen in ay dib ugu usoo celiyeen shinidii goobteedii.

Duqsi oo isna ku noolaa isla degaankaas, sidoo kalana si aad u dhaw dhagta ugu taagayay bal sida ay arimuhu usocdaan ayaa isna waxaa dhacday in qaar kamid ah dadkii degaankaas ay soo iibsadeen waxyaabaha ama suntan lagu laayo duqsiga (insect killer). Duqsigii ayaa iskaga yimid meel kasta oo uu ka joogay degaankaas, waxaanu talo ku gaadhay in uu isna degaankaasi iskaga guuro, si lamid ah sidii ay shinaduba iskaga guurtay. Hada garo’oo wuxuu is leeyahay odayaasha degaanku ha ku soo lad-qabeeyaan, marka ay idiin yimaadaan odayaashuna, waxaad shuruud uga dhigtaan dib usoo noqodkiina  in gabi ahaanba degaanka laga mamnuuco dhamaan noocyada sunta ee duqsiga lagula dagaalamo (all anti pest killers).

Kadib markii ay odayaashii xaafadu kawar heleen in duqsigii tashaday, rabana in uu degaankooda ka guuro, ayay odayaashii iyo dhamaan dadkii xaafaduba ay si lamid ah sida ay iskugu soo baxaan maalinta salaada ciida, ay iskugu soo baxeen,  waxaanay dhamaantood ku ducaysteen in aanu ilaahay bahalkaas duqsiga dib ugu soo celinin maadama oo uu dhibaato mug leh ku hayay dhamaan bulshada degaanka. Hadda garo’oo duqsigiina calaashaan ergo odayalaa ah oo degaankii uga timaada ayaabu taaga sugayaa. Waxaanu isku haystaa in uu lamid yahay amaba leeyahay faa’iidooyinka ay leedahay shinadu. !!!!

 

W/Q: MAHMOUD H. QODAH