Sheekh Weyn Oo Caan ah oo lagu dilay Mombasa Kenya

kenya(SLPOST)Waxaa xalay magaalada Mombasa ee caasimada labaad ee Kenya lagu dilay Shiikh Abubakar Shariif Xassan oo kamid ahaa culumaa’udiinka ay dowlada Kenya ku eedaysay inay xidhiidhka la leeyihiin kooxda Al Shabaab.

abubakarshariif0

Wadaadka ayaa la dilay xili uu gurigiisa kusii socday isagoo ka yimid Maxkamad dacwad uga socotay, mana jiraan illaa iyo hada cid loo qabtay dilkiisa. Balse maaha markii ugu horeysay oo wadaad lala xadhiidhinayo Al Shabaab lagu dilo magaalada Mombasa, waana wadaadkii sadexaad.

Dilkan ayaa markale xiisad ka abuurtay magaalada Mombasa oo ay ku badan yihiin muslimiinta, waxaana todobaadyadii lasoo dhaafay magaalada ka socday hawlgalo ciidamada amaanka ay wadeen oo lagu qabqabtay dad badan oo muslimiin ah.

Muslimiinta ku dhaqan Mombasa ayaa hore ciidamada amaanka ugu eedeeyey in ay ka danbeeyaan dilalka qorsheysan ee lala beegsaday wadaadada la dilay.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii weerar bambaano uu ka dhacay xaafada Soomaalida ee Islii ee magaalada caasimada ah ee Nairobi. Weerarkaasi oo ay ku dhinteen 7 qof, waxayna ciidamada hawlgalo ay ka sameeyeen Islii kusoo qabteen shalay dad ku dhaw 700 qof.

Dhaq dhaqaaqa iyo hawlgalada ay wadaan ciidamada Amaanka ee Kenya ayaa bilowday kadib weerarkii ka dhacay Kaniisad ku taal nawaaxiga Mombasa todobaad kahor halkaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 8 qof.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland