Sheekh Umal Oo Iska Fogeeyay Eedda Kenya Ee Al-shabaab, Taasoo Lagu Xayiray Hantidiisa

Nairobi, (SLP)- Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida, kuna jira 86-qof oo ay dhawaan dawladda Kenya kusoo rogtay xayiraad hantidooda, kadib markii lagu eedeeyay inay taageeraan Al-shabaab ayaa iska fogeeyay inuu taageero kooxdaas.

Sheekh Umal oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi, “Waa wax aad loola yaabo in xukuumadda Kenya ay igu eedayso inaan taageero Al-shabaab, oo ay hantidayda xayirto. Arrintan aniga iska dhaafe qof kasta ayay yaab galinaysaa, maxaa yeelay waa la og-yahay halka aanu kala joogno aniga iyo Al-shabaab.”

“Anigu aad ulama yaabani in la igu eedeeyo inaan taageero kooxda Al-shabaab, maadaama aan ogahay inaanan taageerin, naftayduna way og-tahay. Wax is-bedel ah ama saamayn ahna iguma yeelan doonto,” ayuu mar kale yidhi Sheekh Umal.Sheekh-Umal

Sidoo kale, wuxuu sheegay in tallaabadan ay qaaday xukuumadda Kenya ay iyada uun dhaawac ku tahay, maadaama ay iska eedeysay dad badan oo uu ku jiro oo aan wax shuqul ah ku lahayn Al-shabaab iyo wixii la mid ah.

Wadaadkan ayaa warbaahinta ka weerara Al-shabaab, isagoo hore u caddeeyay inaanu waxba ka jirin sheegashadooda ah inay ku jiraan dagaallo Jihaad ah oo ay ku difaacayaan diinta Islaamka.

Ugu dambayn, Sheekh Umal ayaa ka mid ah culimmo xarumo ganacsi ku leh magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Iyadoo hadalkiisan uu yahay kii ugu horreeyay ee uu jeediyo tan iyo markii ay Arbacadii Kenya xayiraadaha kusoo rogtay 86-qof oo Soomaali u badan iyo 13-xawaaladood.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda Kenya ayaa dadka ay xayiraada kusoo rogtay ku sheegtay inay taageeraan Al-shabaab, iyadoo kooxdani ay weerarro badan ku qaaday Kenya, kuwaas oo uu ugu dambeeyay weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dishay 148-qof oo u badan ardaydii jaamacaddaas dhiganayay.

 

Somalilandpost

Hargeisa Office