Sheekh Dirir ayaa sheegay in Xasadka, Xiqdiga iyo Colaadaha, Qanaaco la’aantu Keento.

“Cudurada innagu badan ee Su’aasha, Shaxaadka, Dawarsiga iyo Baryada, dawadeedu waa Qanaacada…”  

Hargeysa-(SLPost) Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa sheegay, in faa’iidada koowaad ee laga helayo qanaacadu tahay tilmaamida sarraynta Iimaanka qofka.

Khudbad Sheekh Dirir kaga hadlayey muhiimada ay leedahay in qofku ku kalsoonaado waxii Ilaahay siiyey  ayaa qeybteedii labaad u dhignayd;

Maalin ayuu Cumar bin Khadaab ugu yimi Nebiga CSW gurigiisa, isagoo garabkiisa ay raadaysay cawdii uu ku jiifay, gurigiina wuu eegeegay, waxuu arkay meel qarbad yar oo magdin u baahan sudhan yahay, keyd u tahay in yar oo Heed ah, meel kalena waxba ma yaalaan, markaa ayuu ilmeeyey Cumar, ka dibna, Nebiga CSW ayaa la hadloo ku yidhi ‘Cumarow miyaad shakiday, sowtii Iimaankaagu fiicnaa, dad baa u nool aduunyada oo janno u tahay, Innagana (islaamka) ta dambe ayaa Janno inoo ah’ macnaha wax kasta halkan ha lagu helee, Jannadii Mu’minku way dambaysaa. Rasuulka ehelkiisuna, sidaa ayey ahaayeen oo way kula qanceen derejada uu ka gaadhay aduunyada iska deynteeda, oo dumarkiisii markii ay masaariif weydiiyeen, Ilaahay Aayad Quraan ah ayuu kula hadlay “Ooryahaaga la hadal oo u sheeg, hadaad aduunyo iyo raaxadeeda doonaysaan, waa laydin siin, laakiin Nebiga CSW ag joogi maysaan, hadii kaloo aad Ilaahay, Rasuulka iyo Jannada doorataana, ka hadha” sidii ayey kaga hadheen.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in qanaacada laga helo faa’iidooyin, loona baahan yahay in dawladu dadka ku tarbiyadeyso, oo xiisadaheena ka mid noqoto, waxaanu yidhi,

“Faa’iidada koowaad ee laga helayo qanaacadu waxay tilmaantaa Iimaanka qofka sarreeyo. Taabaciga Xassan albasri waxuu yidhi, ‘Yaqiin-xumadaada waxa ka mid ah in waxa gacantaada ku jira aad kaga kalsooni badnaato, waxa gacanta Ilaahay ku jira. Waa sidii qomkii reer bbanu-israa’iil, markii loo soo dejiyey Xabag-barsheedii iyo Malabkii, ay yidhaahdeen Ilaahay waxa ku maqan waxba ka garan maynoo, wuu kala go’I karaaye, inoo madhxiya alaabta, waa tii ka qudhuntay,

Qofku waxuu mahadcelin karaa markuu qanaacad leeyahay, hadii kale maba xusuusna. Nebigu CSW, waxuu yidhi xadiis macnahiisu ahaa “Waxaad noqotaa qof xalaal miirasho badan oo xaaraanta iska ilaaliya, waxaad noqon doontaa dadka ka u cibaado badan, sidoo kale, waxaad noqotaa qof qanaacad leh oo kaaftooma, waxaad noqon doontaa mid dadka ugu mahadnaq badan.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in qofku ku heli karo qanaacada iyo sacaadada aduunyada manta ilayska lagu raadinayo ee nolol raaxo leh. Ibna Cabaas, cali binu Abi-Daalib, Xassan al-Basri iyo rag kaloo badan waxay ku fasiraan nolosha wanaagsan qanaacada.

Cudurada innagu badan ee Su’aasha, Shaxaadka, Dawarsiga iyo Baryada, dawadeedu waa Qanaacada. Waynu aragna dadkeena dibedaha ka yimaada waxay la cararayaan oo la cago-dhabanayaan, shaxaadka dadkeenii halkan joogay, adaa soo degay, adaa janaale ah, noo dhiib, maxaad anniga I siisay, qofkani waa xaqiisii u daaya, qofkan soo dhoweyn ayuu mudan yahay, dad badan baa ku cawda meeshu way kulushahay, oo markay tegayaan isweydiiya, maxaad la tagtaa, nooligii iyo waxuu caruurta u soo qaadi lahaa waxa ka badan dadka sugaya, oo qaarkood, waxuu haysto wax ka badan haysta, weydiinayaan. Nebigu CSW nin Xakiim la odhan jiray oo su’aal badanaa, waxuu ku yidhi ‘waxii lagu siiyo qaado, laakiin, adigu ha isa soo qadimin, oo ha u hanqal taagin, waa I kan, ha odhanin’. Xakiim taladaa nebiga CSW markii dambe wuu qaatayoo, xoolahii uu xaqa u lahaa ayuu ka qaadan waayey Abuu-bakar, Cumar iyo Cismaan.

Sharafta iyo gobanimmadu waxay ku jirtaa qanaacada, dulliguna waxuu ku jiraa damaacinimmada, dadku waxay hayaan qofku doondoono, waa waxyaalaha casriga gobanimmadii innaga lumiyey. Af-ku-maal iyo weji-ku-maal ayaa soo baxay.

Malakul-Jibriil oo Nebiga CSW u yimi, si uu fariimo uu Ilaahay uga sido ugu dhiibo, ayey ka mid ahayd ‘Sharafta qofka Mu’minka ah waxay ku jirtaa inuu qofku Ilaahay habeenkii isu-taago oo caabudo, salaatu-laylka.

Cisiga iyo sharaftu waxay ku jirtaa inuu qofku iska daayo waxa dadku haysto. Nebigu CSW si taasi u timaado waxuu faray in dadku wax-soo-saar yeesho, oo intuu Ilaahay tallo saarto, naftiisa ku tashado, oo wax soo saaro, asxaabtiisiina sida ayuu ku waaniyey. Xadiis Bukhaari ku sugnaa ayaa macnahiisu ahaa “Midkiin inuu xadhigiisa qaato, oo xaabo soo gurro, oo suuqa ka iibiyo, ka dibna badh cunno, badhna sadaqo ula baxo, ayaa uga wanaagsan inuu dadka wax su’aalo, iyadoo laga yaabo weliba inaanay waxba siin-ba” oo ceeb iyo caydh isu-raacdo.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in arrinkani yahay mid inaynu barano u baahan, waxa badan oo gobanimmadeenii lumiyey, oo laga qeylinayo, oo xasadka, xiqdiga iyo colaadaha, waxyaalaha inoogu wacan qanaaco la’aanta ayaa ka mid ah, markaa waa in dadka lagu rabeeyo, laguna dedaalo.