Sheekh Almis: Guurka iyo Dhallinyarada

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Almis Yaxye, ayaa ka jeediyey Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa (Hargeysa Cultural Center) muxaadiro ka hadlaysa sida islaamku u dhiirigeliyey guurka dhallinyarada, isagoo dhallinyaradii madasha u sheegay falsafadda ka dambaysa in Islaamku dhiirigeliyo guurka.

Munaasibaddan uu muxaadarada ku jeedinayay Sheekh Almis Yaxye ee dhacday Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ayaa waxa markii ugu horaysay xalay ka soo qayb galay dhallinyaro maqalka naafo ka ah oo uu u fududaynayay Cabdishakuur Maxamed Cabdi oo ah Agaasimaha Waaxda Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, kuwaasi oo su’aalo guurka la xidhiidha ku waydiiyay Sheekh Yaxye.

Almis

Sheekh Almis Yaxye waxa uu ka hadlay caqabada da’ yarta ka Somaliland ka haysata in ay hore u guursadaan oo uu ku tilmaamay in ay ugu weyn yihiin caqabado dhaqaale, dhallinyarada oo waxbarashada isku illawda iyo qaar ka mid ah oo diida in ay masuuliyad qadaan.

“Waxbarashada iyo guurku isma diidi karaan,aduunyada horumartay ka soo qaata waxyaabaha ay ku fiicanyihiin oo iskaga taga waxyaabaha xun ee ay leeyihiin,dunida reer Galbeedku wax way bartaan, way shaqaystaan waanay guursadaan”ayuu yidhi Sheekh Almis Yaxye.

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay taariikhda guurka ee islaamka iyo sida uu dhallinyarada islaamka ah hore ugu guursan jirtay, waxa uu halkaas ka soo jeediyey in waqtigan dunida islaamku aad uga gaabisay in la dhiirigeliyo guurka.

Sheekh Almis Yaxye waxa uu sheegay in guur yaraaantu ahayn caqabad ku kooban dalkeena oo kaliya balse uu yahay mid ay inala wadaagaan aduunka oo dhan gaar ahaan dalalka islaamka.

Waxaanu tilmaamay dalalka ugu badan da’da guurka lagu guursado inta ka wayn 30 jir.

Waxaanu tusaale u soo qaatay dalalka, dalka Barxayn oo uu sheegay in 30% hablaha la guursadaa da’doodu waxay ka wayntahay, Sucuudiga 45% waxa lagu guursadaa hablaha da’da a wayn 30 jirka, dalalka Jazaa’ir la isku yidhaahdo waxa uu sheegay in 51% hablaha la guursado ka waynyihiin 30 jir, dalka Tuunis 61% hablaha la guursadaa ka waynyihiin da’da 30 jirka,dalka Imaaraadka 75% hablaha la guursadaa 30 jir way ka waynihiin, waxa kale oo uu tilmaaamay dalka Lubnaan oo uu sheegay in hablaha 85% lagu guursado 40 ilaa 45 jir.

Sheekh Almis Yaxye waxa uu ka hadlay habka ugu wanaagsan ee ay isku fahmi karaan dhallinyarada wakhtiga guurka ku jirta, waxaanu tilmaamay in guurka uu ka horeeyo haasaawe wanaagsan oo dhexmara labada qof ee doonaya inay nolosha wadaagaan.

“Islaamku wuxuu ogol yahay meherka waxa ka horreeya (Al Khidba) waa laba is doonay. Waxa aad u tagaysaa guriga waana la isku kiin ogaanayaa, isagoo meher dhicin, waxa la rabaa in la is barto, maxaad jeceshahay maxaad necebtahay. Waxa la rabaa in hooyaddii iyo aabbihiiba ogaadaan oo inanku guriga inanta tagi karo oo fadhiga fadhiisan karo, laakiin albaaabkaanu soo xidhay, waxa la rabaa in hooyadu shaah iyo casiirba siiso oo la yidhaahdo inankii baa yimid. Xalaal iftiinbaa la qashaa, dariskoo dhan ayaa og, laakiin inagu maxaynu doonayaa, waxaynu doonaynaa inaaanay cidi ina xisaabtamin oo marba dhinaca u boodno taasi lama rabo in gabdhaha niyada lagaga ciyaaro lama ogola, dumarkuna waa la mid, iyadoo mid la socota ayay haddana hoosta wax kale ka wadaa,” Sheekh Almis Yaxye.

sawir1

Sheekh Almis Yaxye waxa tilmaamay in culimadu aanay inta badan fursad u heli in da’ yarta ay la hadlaan, isla markaana ay ku mashquulaan in ay la hadlaan dadka waaweyn oo ay kala hadlaan waxyaabo aan dan u ahayn da’ yarta, isagoo soo jeediyey in waqtiyo loo helo dhallinyarada si loogu dhiirigeliyo guurka.

Sheekh Almis waxa uu tilmaamay in guurka oo laga gaabiya keeni karo macaasi aad u badan, sidaa darteedna loo baahan yahay in guurka la fududeeyo oo waalidku isu ogoladaan lammaanaha is doonaaya ee islaamka ah.

“Rasuulku wuxuu yidhi, haddaad guurka sahli waydaan, dhulka fasahaad ugu kaalaya” Sheekh Almis Yaxye.

Waxa kale oo uu Sheekh Almis Yaxye sheegay in aanay diin ahaan bannaanayn in dad aan is xalaalaysan facebook la soo dhigo, lana sii hambalyeeyo, waxaannu sheekhu xusay in degelada bulshadu ku kulanto (Social Media) ay ka mid yihiin waxyaabaha dhaqan xumo badan faafiya.

Munaasibadan oo uu hagayay Cabdillaahi Beershiya, kana soo qayb galeen boqolaal dhallinyaro ah ayaa Sheekh Almis Yaxye lagu waydiiyay Su’aalo ku saabsan guurka iyo dhallinyarada,waxaanu dhammaantood uga jawaabay si waafi ah.

Gabagabadiina waxa munaasibada dhallinyaradii kala hadlay Jaamac Muuse Jaamac aas aasaha xarunta dhaqanka ee Hargaysa oo ugu bushaareeyay inay jiraan barnaamijyo kale oo kan la mid ah Xarunta Dhaqanka Hargaysina diyaar ula tahay markasta wixii dhallinyarada khuseeya.