Sheekh Aadan Siiro oo si Weyn Lagu Soo Dhaweeyay Hargeysa

soo-dhawaynta sheekh aadan (4)Hargeysa (SLpost)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro), ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu safar Caafimaad oo muddo toddoba billod ah ugu maqnaa dalka Hindiya uu soo dhamaystay.

soo-dhawaynta sheekh aadan (2)Wasiiro ka tirsan xukuumada, Salaadiin iyo Boqolaal dadweyne ah ayaa si meeqaam sarre kaga hor-tegay garoonka diyaarahada ee Cigaal, waxaana ay u galbiyeen Hotel Guuleed halkaasi oo uu kula hadlay dadweynihii soo dhaweeyay isaga oo sidoo kale ka war-bixiyey xaalkiisa caafimaad. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Siiro) oo ka mid ah Culimadda waa weyn ee Somaliland ayaa qalliin ku gallay wadanka Hindiya ka dib markii Inantiisu ay u saartay mid ka mid ah kelyaheeda.

soo-dhawaynta sheekh aadan (3)Sheikh Aadan Siiro ayaa sheegay inay xaaladiisa Caafimaad aad u wanaagsantahay., waxaana uu ugu mahad-naqay dadkii soo dhaweeyay iyo kuwii xaaladiisa caafimaad la socday ee guddaha iyo dibadaba iyo inantiisa baariyada ah ee nafteeda u hurtay.

WARKAN OO DHAMMAYSTIRAN, HALKAN HOOSE KA DAAWO