Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Hadlay Dhibaatada Lunsiga Hantida Ummaddu Leedahay, Farriina U Diray Madaxweynaha Somaliland

Sheekh Aadan 1Hargeysa (SLpost)– Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay dhibaatada ay If iyo Aakhiro leedahay Lunsiga Hantida Ummadda ka dhaxaysa iyo halka Diinta Islaamku ka taagan tahay.

Sheekh Aadan oo Daliishanaya Aayaadka Qur’aanka Kariimka ah iyo Axaadiista Nebiyullaahi Muxamed (CSW), ayaa ka warramay sida Diinta Islaamku uga digtay in Qof uu si gaar ah u Lunsado Hanti ay Ummaddu wada leedahay, isagoo taasi barbar-dhigaya sida Maanta Somaliland iyo dunida Muslimku tahay.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan si kooban uga hadlayaa Lunsiga Hantida Ummaddu wada leedahay, innaga oo ku eegayna Kitaabka Illaahay iyo Sunnaha Rasuulka (CSW), inaga oo eegayna sidii uu Rasuulku ka yeelay Hantida Ummadda.”

Waxa uu sheegay Sheeku sababta ku kellifay inuu Khudbadda Jimcaha kaga hadlo arrintan “Khudbaddan waxa sababteeda lahayd dooddii tobankii Maalmood ee u dambeeyay ka taagnayd Somaliland, Waayo? iyadoo Ummad badan soo oodatay, sannadkii u dambeeyay meherado badan xidhmeen oo Dad badan ay ku adag tahay siday u noolaan lahaayeen, ayaa waxa la iswaydiinayaa lacag $ 80 Milyan ah oo ay ku muransan yihiin Xukuumadihii Kulmiye, taasaa keentay inaan ka hadlo Hanti lunsigu waxay Islaamka dhexdiisa ka tahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Culimadu waxay yidhaahdeen Hanti-lunsigu waa marka Qofku uu lunsado Hanti Muslimiintu ka dhexeeya oo loogu talo-galay in lagu shubo Baytul-maalka Muslimiintu leeyihiin.”

Sheekh Aadan oo khudbaddiisa sii wada ayaa faahfaahiyey sida Islaamku ula dagaalamay Musuqmaasuqa ama Hanti-lunsiga “Islaamku Qofka Shaqaalaha ah ma odhanin Malaa’ig baad tihiin ee Nidaamka uu u sameeyay waxa weeyaan in Qofka la siiyo wax ku filan (Mushahar), intaa ka dibna waxa loo diiday inuu isticmaalo wax Muslimiintu leeyihiin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Hanti-lunsigu ka mid yahay Dunuubta waaweyn “Al-imaamu Nawawi oo sharraxay Kitaabka Imaamu Muslim wuxuu yidhi ‘Culimadu waxay isku waafaqsan yihiin in Qofku hantida Muslimiinta inuu lunsadaa inay ka mid tahay Dunuubta waaweyn ee lagu halaagsamo.”

Sheekha oo sii sharraxaya dhibaatada uu Musuqmaasuqu leeyahay Maalinta dambaysa ee Qiyaamaha, waxaanu yidhi isagoo soo qaadanaya Aayad ka mid ah Suuratu Aalla Cimraan “Ilaahay wuxuu ku sheegay Suuratu Aalla Cimraan ‘Ka Lunsada Hantida Ummadda, ha noqdo Nebi, ha noqdo Amiir, ha noqdo Saalix, Maalinta Qiyaamaha wuxuu la imanayaa wixii uu urursaday, naf walbana waxa loo oofinayaa wixii ay shaqaysatay.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu sheegay in dhibaatooyinka ka jira Dalalka Muslimiinta ee Somaliland ka mid tahay, waxaanu yidhi “Waddamada Muslimiinta ah ee aynu ka midka nahay waxa Kursiga la iskugu dilaa, waxa Hanti badan loogu bixiyaa inuu Qofku helo intaa Boqol laabkeed, laakiin Rasuulku wuxuu yidhi ‘Ninka idinka midka ah ee aanu shaqo u dhiibno ee Irbad naga qariya iyo wixii ka sareeya waa Hanti-lunsi.’…80 Milyan ayaa laga hadlayaa ‘Subxaannalaah’..”

Sheehu wuxuu iswaydiiyey waxay Ummadda u tari lahayd Lacagta 80-ka Milyan ah ee Lunsigeeda ay ku murmayaan Xukuumadihii kala dambeeyay ee Xisbiga KULMIYE “Warshadda yar ee Qasaacadaysa Tamaandhada ee ku filan 250 Qoys qiimaheedu waa 50 kun oo dollar, Lacagta aynu ka hadlaynaa (80 Milyan) imisa Qoys, imisa Ummadood ayay wax u qaban lahayd…” ayuu yidhi, isagoo intaa raaciyey inay layaab tahay in Bulshada Somaliland aanay dhaadanayn waxa Dalkooda ka socda “Waxa layaab leh Ummad dhan oo Malaayiin Qof ah oo aan garanayn Xaqa ay leedahay. $ 80 Milyan waxay ahayd in dood laga galo, laakiin wakhti baynaan u haynin, sidaa darteed waxaanu leenahay kuwa Talada haya waar Illaahay kaga yaaba Dadkaa soo ootay ee jilicsan ee leeleeya.”

Sheekhu waxa kale oo uu khudbaddiisa Jimcaha kaga hadlay Dekedda Berbera oo Shirkadda DP World Maamusho iyo Saldhigga Milletari ee Berbera laga siiyey Dawladda Imaaraadka Carabta, kaasi oo uu xusay inuu dhamaaday, laakiin ay nasiib-darro tahay in Dawladda Somaliland ku muranto in la kireeyay iyo inaan la kiraynin “Dekeddii Berbera weli Riyaal kama hayno, waana isha keliya ee aynu lahayn, Garoon Cidlo ah ayaynu isku haysanaa waxeeniina Dad baa haysta. Dunida kamay dhicin waxa Berbera ka dhacay, waa Nimanka Saldhiggii Berbera ku murmaya, ee Wasiirkii leeyahay lama kirayn, Madaxweynihiina leeyahay waalla kireeyay, waa Saldhig Maanta dhamaystiran, iyagoon Dekeddii aan weli xabad Jaajuur ah saarin (DP World) lacagteediina guranaya, imikana waxay samaynayaan Tareen isku xidhaya Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha (Saldhigga Milletari ee Imaaraadka)…”

Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu farriin u diray Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxaau yidhi “Madaxweynaha waxaanu kula talinaynaa, waar waxaa yar ee Ummaddu leedahay Adigu iska ilaali, kuwa kula joogana ka ilaali.”