Sheekh Aadan-Siiro oo Daboolka ka qaaday Fadeexado Dhabar-jab ku ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo (DAAWO)

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka, gaar ahaan magaalada Hargeysa, ayaa madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyey inuu go’aan qaranimada u danaynaya ka qaata shakhsiyaad ka tirsan Xukuumaddiisa oo uu tilmaamay inay Cambaar ku noqdeen isla markaana fadeexado caalami ah u soo jiideen Dalka.
Sheekh Aadan-Siiro oo Daboolka ka qaaday Fadeexado Dhabar-jab ku ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo (DAAWO)Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirar si gaar ah farta ugumuu fiiqan shakhsiyaadka uu tilmaamay, balse waxa uu sheegay in waddamada deriska qaarkood ku eedeeyeen inay halis ku yihiin Amnigooda.
Waxa uu Sheekhu sidan ku sheegay mar uu maanta khudbad u jeedinayey dadweyne ku tukanayey garoonka Xawaadle ee magaalada Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO

SOMALIANDPOST.NET