Sheekh Aadan-Siiro oo baaq u jeediyey Golaha Guurtida iyo Siyaasiyiin ku loolamaysa murashaxnimada Xisbiga Kulmiye

qqHargeysa (SLpost)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Xiiray) oo ka mid ah culimada Caasimadda Hargeysa, ayaa si adag uga hadlay Khilaafyo sharci oo ka taagan go’aankii Golaha Guuritdu muddo-kordhinta ugu samaysay xukuumadda iyo loolanka siyaasiyiin ku hirdamaysa murashaxnimada Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Sheekh Aadan XAaji Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey Salaaddii Ciidal-fidriga ee Garoonka Xawaalad ee Xaafadda 26 June oo boqolaal qof Saaka ku oogeen Saaladda Ciidul-fidriga, isla markaana arrimo dhowr ah kaga hadlay khudbadiisa, ayaa Golaha Guurtida ugu baaqay in la sharciyeeyo isla markaana la fuliyo heshiis xisbiyada iyo xukuumaddu ku soo af-jareen khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay muddo-kordhinta Guurtida si looga hortago khilaaf sii xoogaysta, heshiiskaas oo lagu go’aamiyey in xilliga doorashada laga dhigo bisha December ee sannadka soo socda, halka go’aanka muddo-kordhinta oo Guurtidu weli ku dhegsan tahay uu xilliga doorashada ku riixayo badhtamaha sannadka 2017-ka.

Sidoo kale, Sheekh Aadan Siiro waxa uu baaq u jeediyey siyaasiyiin shaaciyey inay leeyihiin han madaxweynenimo oo ay iskaga dhex-sharraxaan, uguna dhex-loolamaan Xisbiga Kulmiye kaddib markuu madaxweyne Siilaanyo dhammaysto muddo-xileedkiisa, kuwaas oo kala ah Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha Kulmiye, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis.

Halkan ka daawo Warkaas oo faahfaahsan iyo hadalka Sheekh Aadan Siiro