Sheekh Aadan Siiro Muxuu ka yidhi Dilkii Saraakiisha Ciidanka, fulin la’aanta Xukunnada Dilka iyo Dhibaatada ay Shacabka iyo ammanka ku hayaan Dhalinyarada Xaafadaha ka qawlaysata?

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay dilkii saraakiisha Ciidanka Qaranka loogu geystay deegaanka Qorulugud ee gobolka Buuhoodle, kaas oo uu tilmaamay in shakhsiyaad bulshada dhexdeeda magac ku lihi fasiraado khaldan ku sababeeyeen qaabkii u dhacay iyo ciddii dilkaas geysatay.

Sheekh Aadan Siiro Muxuu ka yidhi Dilkii Saraakiisha Ciidanka, fulin la’aanta Xukunnada Dilka iyo Dhibaatada ay Shacabka iyo ammanka ku hayaan Dhalinyarada Xaafadaha ka qawlaysata?Sheekh Aadan-Siiro oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa, ayaa khudbaddii Jimcaha ee maanta ku soo qaatay sharciyadda Diinta Islaamku u jidaysay abaalmarinta qofka si ku-talo-gal ah u dila qof Muslimka ah, waxaanu xukuumadda iyo shacabka Somaliland ugu baaqay in loo hoggaansamo fulinta qisaasta diinta Islaamku jidaysay si looga hortago falal dilka oo si weyn uga dhaca dalka oo saamayn ku yeelan karta ammaanka iyo xasiloonnida dalka.

Sheekh Aadan Siiro waxa uu cambaareeyey dilkii loo geystay saraakiisha Ciidanka Qaranka oo ku tilmaamay mid fool-xumadiisa leh oo saamayn ku yeelan kara xasiloonida dalka haddii aan tallaabo laga qaadin, haseyeeshee waxa uu muujiyey sida uu uga xun yahay in dhacdadaas fasiraad khaldan iyo sababo aan ku habboonayn loo sameeyo.

HALKAN KA DAAWO KHUDBADDA SHEEKHA