Sheekadii Dhex Martay NIN ADAYG iyo NIN JILEEC – W/Q: Mukhtaar Bulshawi

Waa sheeko dhex taala dhalin iyo dhaaxa jirba, ma kala tagaan, mana wada jogaan, ma colobaan mana heshiyaan, mid waliba wuxuu u haystaa in kan kale dulmiyay, waana madadaalo xaqiiqada Siyaasada ka turjumaysa.

Geesi,  in badan ayaan maqli jiray, ha yeeshe, Fulayna in badan ayaan maqli jiray, lakiin wixii oo dhami imika waxa ay isku badaleen labadan kalmadood madaama aan goob dagaal lagu kulmayn, waxa is badalay wakhtigii oo Fariidkii waxa loo qaatay inuu yahay nacas (Nin Jileec), sidoo kale Nacaskiina waxa loo qaatay inuu yahay FARIID (Nin Adayg), sidaas darteed ayaan  idinku soo gudbinayaa sheekadan maweelaada siyaasadaysan xambaarsan Todobaad walba insha allah.

Waxa an wayay meel aan ka maro, cid waliba way hadal haysaa, macaana dhadhanka lagu hayaa iyo sheekada marka kolba aad dhinac u wadid ee anad warba isku haynin waxa aad ku hadlaysid, waa NIN ADAYG may maaha, waa NIN JILEEC, Niyow adigu warba ma haysid manad ogayn inay FAJI ii xidheen, inaga daa kaasi wuu inaga DABA BAXEE, haa tan shankaroon land ah meel aan u qaado garan maayo, waxay diidayso iyo waxay doonaysana kala saari wayay anigu, ma tashanaa saxiib aynu bal shankaroon land jar bay ka lulataaye badbaadine, way heshiyeenba, goor dhaw ayaad arki iyakoo hadana is eersanaya, waa DAACAD iyo DAALIN, NIN ADAYG iyo NIN JILEEC, waxa marti qaad ahaan inoogu iman doona maalmaha qaar DALXIIS IYO DARMAAN oo aad ka wada dharagsan tihiin, maanta waa bilowgii dheesha ee ila dhadhamiya macaan iyo qadhaadh kay wadato.

Mar aan gaban ahaa beri

galab aan adoogay

geed uu fadhiyi jirey

sheeko kooban kaga guray,

wuxuu yidhi: “guyaal hore

boqor geesalaa jirey

oo goostay weligii

inaan iinta lagu garan.

Fule waa geddiisoo

wuxuu goorba hubiyoo

gedfo oo cimaamado,

nin gaaraa sirtii helay

godob buuse taransaday

garashadu u sabab tahay

qof gafaana laga dhigay,

hadduu gaabsan waayana

inuu gowrac jiro maqal.

Hadba giirka loo kici

goldalooladuu helay

inay gudubto loo diid.

Isna waa gartiisee

liqi waa gasiinkii

war guntamay la foolqaad

hadba gaadhka meel dhigay

dadka uurka googo’ay

isna garay ka wada qari,

kuna oloshey gogoshii.” Gaarriye, Madax Goodir,  1980

Markaad joogtid suuqa, gobaha waxbarasho, garoomada ciyaaraha, majlisyada iyo maqaaxiyaha, iyo dhamaan goobaha dadwaynuhu ku kulmaan waxa aad ku arkaysaa hadal haynta labada kalmadood ee nin adayg iyo nin jileec, way adag tahay in lakala saaro laba qof oo is haya waliba mid waliba isku haysto kan saxsan, hadana aaminsan inay is dul miyeen, si aan u dhex galo oo doodooda u kala saaro waxa aan idin soo baahin doona sheeko MALDAHAN, oo aan idinku salayn doono labadan ruux ee is haysta, aan maanta ku horayno bal hort labadan magac waxay kula baxeen.

Nin Adayg: maxaa saxiib lagugu bixiyay Nin Jileec.

Nin Jileec: Dantayda waxan ka horaysiyaa danta bulshada, ma yihi danayste, xaraantana ma cuno mana yihi qof af dheer oo aqoonta iyo cilmigii aan bartay ayaan ku xoogsadaa, markaan idhaa danteenu waa taas iyo dalka sidan ka daaya ayaa laygu yidhaa Nin Jileec ayaad tahay oo adigu waxba ma cuni kartide orod sii soco,markaan idhaa halkaas sidaa ha laga daayo ayaa lay yidhaa nin jileec ayaad tahay, hadana markaan idhaa nin kaas waa daacad ee ha loo daayo xilkiisa ayaa nalagu wada yidhaa labadiinu isma dhaantane dhabarka na tusa, waxan jecelahay inaan dalkayga u shaqeeyo, waxan ahay daacad, inaan horumar gadhsiiyo, inaan dhalinyarada jaamacada kuwa aan la duubsan ee Nin Adayg duubsan ay dalka u shaqeyaan ayaan jecelahay, adna saxiib maxaa lagugu Bixiyay Nin Adayg?

Nin Adayg: ma yaqaano danta caamka ah, waxan ahay danayste, layma tuso samaha iyo wanaaga, afkaygaan ku xoogsadaa, ma aqaano cilmi iyo aqoontoona, wax I xidhaa ma jiro iyo albaab I soo celiyaa si aan dantayda u fushado meel walba waan galaa xil walbana waan qabtaa oo aqoon uma lihi isma naqaan, fadhiga ayaan ku xoogsada oo marfashyada iyo maqaaxiyaha ayaan ka soo maamula shaxda siyaasada dalka, aroortii dalka anigaa u sareeya, galabtiina waxa aan jooga mafrashyada iyo maqaaxiyaha oo waan soo dhagaga dhageeya in la fahmay siyaasadayda, Habeenkii waxa aan go’aamiyaa siyaasada aan baritoole dalka ku hogaamin lahayn, maskaxdana ku hayoo anaku koox dhan ayaanu nahay saxiib.

Saxiibayaal barasho intaas idinku filan ayay ila tahay, waa kulankeena Todobaadka danbe iyo barnaamijkan oo xiiso gaar ah leh kuna ladhan tahay siyasad maldahan.

Mukhtaar Bulshaawi

Mukho4me@hotmail.com