Sheekada iyo xanta dumar waa u halis dhismaha qoyska –W/Q: Garyaqaan Cabdikariim

Samiir iyo sihaam waxay ahaayeen qoys ku wada noolaa farxad iyo badhaadhe waxay lahaayeen laba caruura wiil iyo gabadh si wanaagsan loo barbaariyay, waxay ahaayeen qaar aad isku qadariyay isu ixtiraama kalsooni badani ka dhexayso.

khilaaf soo kala dhex galay ninkii iyo afadiisii markaasay aad u kala cadhoodeen muddo kala irdhoobeen. Markii ay sidaa maalmo ku kala sugnaayeen ayaa waxaa arinkoodii galay ninka niman ay saaxiibo ahaayeen si ay reerka ugu soo celiyaa wanaagii iyo wada joogii wacnaa ee qoysnimo, ilaahay mahadii weeyee arinkaa waa ay ku guulaysteen oo reerkii waxay isku keeneen iyaga oo arinkii soo xaliyay oo dhameeyay gacmahana isku saaray lamaanihii.

Markii cabaar ama sannado sidaas lagu caweeyay ayaa maalintii danbe waxaa ka dhex dhacay qoyskii muran ka abuurmay nolol maalmeedkii qoyska waayo ninku waxa uu ahaa nin ilaahay u nimceeyay oo hanti badan lahaa reerkiisa u roon oo wixii ay baahidoodu noqoto ka adag sagsaagna aan ka galin .

waxaa ninkii soo foodsaartay mushkilad hoos u dhac dhaqaale taasna waxaa ugu wacnayd suuqa xumaaday dhaqaalaha aduunka ee hoos u sii dhacaya maalinba maalinta ka danbaysa iyo maciishadan sii qaaliyoobaysa ee cirka isku shareertay.

Xaajigii waxaa uu damcay inuu aad u maamusho haynta yar ee  gacantiisa ku soo hadhay si aanuu reerkiisu ugu dhicin meel bannaan, buusaradan caamka ah ama nolol hoose oo qaadaa ma dherge ah.

Kadib waxa uu xaajigii afadiisii ku yidhi “ nolosha aduunku way sii xumaanaysaa ilaahayna arsaaqdiisu waa balaadhan tahaye, walaal waxa yar ee biilkiina ah isku filaysiiya way adag tahay inaan isticmaalno dhamaan waxa yar een hayso waxkastaa kama soo hadho maamul iyo farsamaysiye”

Intaas markii uu yidhi ayay gabadhii ku raacday inay ku maamushaan hantidoo wada tashi farsamo wanaagsan, Sidaasna shaki la’aan waa lagu wada qanacsanaa oo lagama biyo diidsanayn.

Haddaba jab waa ka danbeeyee gabadhii oo galab gurigeeda iska joogta ayaa waxa soo booqday asxaabteedii waa la wada qoslay, la wada kaftamay, wax sheekadii macaanayd la wadaba dumarkii ayaa gabadhi ku tidhi “ naa heblaayo horta baryahan maxaa idinka si noqday gurigiinu aad buu shidnaa barigii hore waxa uu ahaa guri barwaaqee muddooyinkan dabkaa ka dhacsan oo danyar baa la idin moodaaye maxaa is bedelay?”

Gabadhii ayaa uga warantay waxa ka dhacaya aduunka iyo taladii wanaagsanayd ee ay odaygeeda ay ku kalsoon tahay aad kana u jeceshay isla qaateen ee ahayd in la yareeyo lacagtii badnayd ee loo isticmaalayay sida ba’an.waxaanay u sheegtay sida uu ninkeedu marwalba ugala tashado waxa uu damacsan yahay isaga oo doonaya wanaaga  qoysnimada fiican maankana ku haya maalmihii qadhaadhaa ee ay soo mareen markii ay kala cadhoodeen iyo talo wanaagu waxa uu leeyahay fiicnaan.

Intii markii ay u sheegtay ayaa waxay ku akhriyeen balaayo iyo baas naa maanad garanayn heblaayo ninkedi siduu u khiyaameeyay barigii  iyo heblaayo iyo ………….…arsaaqada ilaahay baa meelintad dhalateen idiinku tala galay oo waxba lama waayayo iyo nimanka lama aamin inta ay dhulka isku kaa dhigaan ayay ku khiyaamaynayaan waxaa uu kuu sheegayo waa been iyo balaayo wax kala ayuu damacsan yahay, naa malaha dee inantii waa la falay sidan kuma hagaasanee bisinka iyo yaasiinka,  adigu gabadhii waa la bedelay maskaxdeedii ka fayoobayd xumaan ,xigdiga, beenta iyo nacaybka ninkeediina waa lagu diray.

Ninkii oo faraxsan baa u soo hoyday habeenkii gurigiisii isaga oo filaya inay gabadhiisii u sii diyaarisay casho macaan, gogoshiina u sii giijisay is leh alla gabadhadu  waa raaliyo ku adeecda had iyo jeer, mise meesha wanaagba ma yaalo casho loo diyaariyo iska daayoo caruurtiisii biyo ayaa lagu seexiyay oo gaajadii ayay la ooyayaan. Markii uu wax waydiiyayna buuq iyo jikar bay ka horkeentay iyada oo ku doodaysa maxaan siiyaa caruurta ma lacag hagaagsan baad na siisay ma jiidhkayga ayaan u googooyaa oradoo dee ka doono casho tii aad u kaydinaysay lacagta. hadda  ma jirto gabadh kale oo uu qabaa waxaa ay tirinaysaana waa fayriskii manta guriga la soo galiyay ee ay asxaabteedu sideen. isna inta u xanaaqay ayuu ku yidhi meeday naa lacagtii aan maanta idin siiyay waxaad damacsan tahay maangaran ee cadayso.

Arinkii reerka waxaa loo saaray guddi odayaala oo ka soo taliya qoyskana ka damiyay balaayada iyo dabkan ku shidan, nasiib darro markii la lafo guray ee gabadhii si walba loola hadlay waxay ku dooday in warqadeeda looga soo qaado . aakhirkiina sidaasaa xal la mooday oo reerka lagu kala diro kuna burburay.

Markii ay gabdhii ka maqnayd ninkeedii hore laba sanno guursatayna mid kale oo dhibateeyay habeen walbana dilaya ayay ogaatay wanaagii iyo sharaftii ninkeedii ay asxaabteedu seejiyeen dabka iyo xumaantana ka dhexabuureen

Waxaanay ku talo bixisay  iyada oo dumarka la hadlaysa sidan:

  1. Dumarka inaanay rumaysan wax kasta oo xun oo loo sheego ee ay ka fiirsadaan
  2. In ay ka fogaadaan shakiga iyo degdega badan raggooda aaminaan
  3. Inay sheekada iyo xanta dumarku tahay aafada dhismaha qoyska foyaw

Waa qalinkii: garyaqaan C/kariim sh. Maxamuud C/laahi “suldaanka

Suldaancabdi4@hotmail.com  9042120