Shaw Dhuuxba kuma jirin! – W/Q: Saddam Carab

Saddam Carab
Saddam Carab

Deeqaha Ilaahay bixiyo qofba meel buu ku fiican yahay. Tusaale ahaan dadka qaarkood aqoon buu alle ku maasheeyaa, qaarkood adduun buu ku manaystaa qaarkoodna caqli iyo garaad buu ugu deeqaa.  Warsame  intaas oo kooxood midna kama tirsana’e ilaahay aftahanimo ayuu ugu deeqay. Hadal macaanida iyo af-miishaarnimadiisa markaad aragto waxaad is odhanaysaa ilaahay hadduu dhowr sidaa u fikiraya soomaali dhex joojin lahaa waxa dhacayaaba malaha may dhaceen. Haddii se qalbigiisa la jeexo waxaad mar labaad is odhan lahayd ilaahay haddii uu kan iyo afarta la midka ah ummadda ka qaban lahaa way badhaadhi lahaayeen.
Qabyaalad diid buu kuugu muuqdaa wuxuu se kaw ka ahay inta qotomisa ee qal-qaalisa qabyaaladda caadifadda ku qotonta. Qarranimo jacayl buu kuu muujisanayaa hadduu se karayo inuu caawa dam ka siiyo laydhka iyo biyahaba wuu ka goyn lahaa qarannimada aad sheegayso. Qof jeclaysi diid buu kuugu muuqdaa cid kaga dheeraysaana ma jirto marka xaqiiqdiisa loo tago!
Hadduu ku bariidiyo wuxuu kuugu yeedhayaa magacaaga oo lagu daray mansab dadka dhexdiisa laga jecel yahay, macno ma le xataa haddii aanad sifadaa lahayne laakiin wuu kuugu yeedhi doonaa, xataa haddii aanu aqoon durugsan kuu lahayn. Ka dhab se ma aha oo hoostuu kaa hiifayaa, kaa heerayaa oo uu ka jecel yahay hagardaamadaada.
Damiirka fayoobi wuxuu diidayo ayuu isagu ku diirsadaa. Sidii qof la qaawiyay oo suuqa badhtankiisa la joojiyay aad uga naxi lahayd uguna khajili lahayd si ka badan baad ugu damqan lahayd oo aad ugu diir nixi lahayd markaad aragto wuxuu dhex dur-duuranayo. Wuu se isla qumman yahay, oo kama qasna!!
Arrin kasta xagga togan waligiiba kamuu eegin. Caqli sanna kumuu miisaamin. Iskadaa inuu caqli san iyo cilmi ku miisaamee, waxaabu xumeeyaa arrinka markiisa horeba wanaagsan. Oo wax taban mooyee miyay wax kaleba arkaan indhihiisu? Ku darso oo wuxuu xariif ku yahay sida loo muujisto caksiga wuxuu dhex muquunsan yahay. “Waa arrin mujtamaca horumar iyo badhaadheba gaadhsiin kara, waxa loo baahan yahay in dhalinyaradda aqoon- yahanka iyo wax garadka ummadu hawshaa u guntadaan, si guul aynu uga gaadhno waayo danta guud baa ka mudan ta gaarka ah”.  Wanaagsanaan lahaydaa siduu u af macaan yahay inuu u qalbi wanaagsanaan lahaa!
Haddii aad ku kala tagtaan ballan uu waliba kugu boorinayo in aanad kaga bixin, ayuu isagu bilaabaa fur-furida aragtida  aad wada faaqiddeen. Oo ballan burin ma balaayo ka waynbaa jirta! Maya, laakiin isaga biyaha uu kabanayo kala fudud.
Guusha uu gaadho, Maxaa kaa soo galaya?  Waa su’aasha uu marka ugu horaysaba is waydiinayo. Hadduu in uun manfac hunguri ku dhisani ka soo galayo wuxuu odhan doonaa waa xaaji! Haddaanu shilin uga soo dhibcayna intuu si xirfadaysan u amaano ayuu ka dabay gayn doonaa ‘laakiin’ iyo Hadal amaantii horeba cagta marinaya.
Waxaad la yaaban tahay halka uu ku nool yahay saw maaha? Ha yaabin ee hortaada eeg, hareerahaagan eeg, imisaad markiiba aragtay? Alla shaw kaasaad ka sheekaynaysay. Kaa iyo qaar kaloo badanba, ogow se waxa badan inta aan dhaaddanayn ee aqoonyahan iyo indheer garad ku sheegta’e. Xataa waxay kuwaasi kala xishoodaan inay magiciisa oo qaawan ugu yeedhaan, markaasay mansab aanu ab iyo ehel toona u ahayn madaxa ka saaraan. mufakar, aqoonyahan iyo indheer garadba way ku sheegaan, Haday se ogaan lahaayeen xaqiiqdiisa…Mooyi wax ay ugu yeedhi lahaayeen.
Maalinba qof iyo qofaf baa barta camal xumidiisa, koox iyo kooxa kalana way is nacaan, damiir xumiday ku nacaan isna daba qablayn li’iduu ku nacaa. Dadka intii baratay guntiisu, gaadhsiiye intii kale.
Maanta waa la bartay oo cid waliba way taqaanaa waxa uu gudo iyo waxa uu galaba. In badan oo aan aqoon xataa waxa gaadhey warkiisa. Hafdii la isla soo hadal qaadana markaba waxa la isugu hal celiyaa
Dusha jidhifta mooyee,
Shaw dhuuxba kuma jirin! (Abwaan Gaarriye)
Oo maxay sidan u leeyihiin? sawtii shalay lala shirayey, lala sheekaysanayey ee la sharfayey, sawtii shalay fikradaha lala faaqidayey, fariimahanna lala wadaagayey maxay maanta ku dhacday hoosayn awgeed  in halkan la gaadhsiiyo? Jawaabtu kaamaba foga’e waa siduu dhab ahaan yahay, shalayna waa siduu kuugu muuqday.
Ceeb li’I dadka ku dhex joog in ay sharaftuba tahay buu garwaaqsaday. Waa se goor ay xeedho iyo fandhaal kala dheceen, waa goor uu taftii iyo taajkii dadnimo banaan ku tuuray. Tolow miyaad maanta ahaatid qof aan noloshaba joogin buu isleeyahay! Oo haddaa ma imikuu jooga? Qolof ahaan haa qofnimo ahaan se waa mayd.
Ceebtiisu hadday siigo oo kale noqon lahayd malaha cirkaba way gaadhi lahayd. Maanta iska daa wax kala’ e qofkaa uu salaamaa wuxuu ka shakiyaa salaantiisa in wax ku hoos jiraan, markaasuu ugu hal celiyaa inta aad tidhiba lagu yidhi. Ilaahow na dil oo ha na doorin, ileen markaynaabay duco tahay.
Waaba dhawaaq waxa dhagihiisa ku soo dhacayaa, waxaanu ku leeyahay?

Dhimashadu xabaashiyo
Kafan laba dhudoodiyo
Rubaddoo ku dhaaftiyo
Iil dhexdiisa maahee
Dhilashada jidhkaagiyo
Sharafkoo dhantaalmiyo
Dheg xumaanta weeyaan  (Abwaan Hadraawi)

Waaba gabaygii Hadraawiye ! Inuu isaga la hadlayo iyo in waa hore gabaygu baxay ayaaba iskaga qaldamay! waxa abwaanku sheegay iyo xaaladdiisa oo isku jaan go’an awgeed.
Waa hubaal in ay noloshu aadamaha macno u samayso marka ay  u fayowdahay sharaftiisu, una dhamaystiran tahay dadnimadiisu. Inkasta oo aan la dareemin badhaadhaha, jeerood baabah ka soo joogsato. Sidoo kale waxa marag ma doon ah in dullinnimo iyo hoosayn ka waynina aanay jirin qiimiga qofnimadaada oo nusqaani gasho amaba fara madhan aad ka soo joogsataa!
Ilaahay tubta,talada iyo tawfiiqda san ba ha inagu toosiyo

F.G: Qoraalkani wuxuu markii u horraysay kusoo baxay Majallada weedhsan, cadadkii 6 aad

Shaw dhuuxba kuma jirin!
Qalinkii: Saddaam Xusseen Carab
Saddamcarab@gmail.com
Hargeisa-Somaliland