Shaqaale Ka Tirsan Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Xog-haynta Wasiir Cali Mareexaan Oo Xalay Weerar Ku  Qaaday Laba Weriye Oo Ka hawl-gala BULSHO

Hargaisa(Slpost) Habeenimadii Xalay ahayd ayay ahayd markii  Shaqaale Ka tirsan wasaarada hawlaha guud iyo guryaynta somaliland, oo uu ka mid ahaa Xog-haynta Wasiir Cali mareexaan ay weerar ku soo qaadeen weriyeyaal dhawaan barnaamij ka soo diyaariyay dhismihii wadada ceerigaabo oo istaagay.

Weriyeyaasha la weeraray ayaa waxaa ka mid ahaa Calimahdi Jibriil Xassan oo ka hawl gala telefishanka BULSHO-TV iyo Cabdi-weli yuusuf cumar oo isna ah sawir-qaade ka tirsan telefishanka bulsho,

khasaaraha weerarkaas oo ay shaqaalaha wasiir cali mareexaan ayna isku beel yihiin, geysteen ka dhashay ayaa soo gaadhay Suxufi Candi-weli Yuusuf Cumar oo hada Xaaladiisa Caafimaad lagula Tacaalayo Cisbitaalka Guud Ee magaalada Hargaisa.

nimanka weerarkan geystay ayaa waxa ay ku hubaysnaayeen, budhadh, iyo birro kale, waxayna weriyeyaashan soo weerareen waqti ay weriyeyaashu ku caweynayeen Hotelka SUMMER-TIME ee magaalada hargaisa, ciidamada booliska somaliland ayaa Baadi-goob ugu jira qabqabashada  shaqaalihii wasaarada hawlaha guud ee weerarkan geystay, waxayna balan qaadeen inay ilaa caawa ku soo hubsan doonaan gudaha jeelka .

weerarka lag qaaday weriyeyaashan ayaa la sheegayaa inay salka ku hayso Docmentry Film soo bandhigay Duruufo badan oo ku duugan waddadii ceerigaabo oo hada istaagtay oo ay soo diyaariyee Calimahdi Jibriil oo ka hawl-gala telefishanka BULSHO iyo Maxamed yuusuf oo isna ka tirsan suxufiyiinta telefishanka STAR.

barnaamijkan aya la sheegay inay si aada uga cadhoodeen, wasiirka wasaarada hawlaha guud Cali Xassan Maxamed Cali mareexaan iyo maareeyaha Hayada Wadooyinku, taas oo keentay in shaqaalohoodii weeraraan weriyeyaashan goob habeenimo ah.

Weriyaha dhaawacmay ayuu dhaawac weyni ka soo gaadhay dhinaca midig ee wejiga taas oo sababtay in dhegta hoostiisa ilaa canka midigu uu Dilaaco, Dhiigiina uu uurka dib ugu noqdo, xaalada weriyahan oo cisbitaalka yaala ayaa lanoo xaqiijiyay inay maanta gelinimadii hore ka soo dartay, oo marlabad qaliin lagaga sameeyay canka midig.

si kastaba ha ahaatee ciidamada booliska ayaa balan qaaday inay soo qabqabanayaan nimanka weerarkan geystay, balse waxaa yar rejada laga qabo suurto galnimada in la soo xidhxidho ku dhawaad 20 qof oo intooda badani ay u shaqeeyaan dowlada, ayna ka danbeeyaan wasiiro ka tirsan xukuumada madaxweyne axmed siilaanyo,