Shaqaale ka tirsan Maxjarka Al-Jaabiri ee Berbera oo Cabasho ka muujiyey cadaalad darro lagu la kacay iyo Laba bilood mushaharkood oo ay sheegeen in laga Lunsaday

Berbera, 28 January, 2012 (SLpost)- Xubno ka mid ah shaqaalaha Maxjarka xoolaha nool ee magaalada Berbera ayaa cabasho xooggan ka mujiyey maamulaha maxjarka magaalada Berbera gaar ahaana maxjarka Al-Jaabiri ee lagu xanaaneyo xoolaha nool ,

Xubnaha cabashada mujiyey oo ahaa shaqaalaha ka hawlgala maxjarka, ee ka shaqeeya waaxyaha  kala duwan, ayaa sheegay in iyaga oo maxjarka ka shaqayanayey muddo dheer, haddana lugu sameeyey shaqa joojin bishii Novembar 2011-kii isla markaana aan ilaa hadda la siin wax xaq iyo xuquuq ah.  Waxa kale oo ay sheegeen inay Maxjarka ku leeyihiin laba bilood mushaharkood ka hor intii aan shaqo-joojinta lagu samayn taas oo sida ay sheegeen ay ku leeyihiin maamulka maxjarka.

Dadka cabanayey waxa kale oo ay sheegeen inay Cabashadooda la hortageen badhasaabka gobolka Saaxil iyo waliba maxkamadda gobolka isla marakaana ilaa hada aanay cidi wax ka qabanin dhibaatooyin ay sheegeen inay haystaan.

Waxay xuseen in Maamulka Maxjarka oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalka Masar uu caadaystay dhaqan muujinaya shaqaale kala jeclaysi dadka ka shaqaysta magaalada Berbera iyaga oo waliba xusay in maamulka maxjarku doorka koowaad siiyaan shaqaalaha Masaarida iyo Carabta ka hawlgala Xarunta maxjarkaasi halka shaqaalaha dalka u dhashay laga dareeriyey shaqadii ay ka hayeen goobtaasi

Shaqaalahan oo tiro ahaan ka kooban ilaa 20 shaqaalo ah oo ka hawlgali jiray maxjarkaasi ayaa sheegay inay cabashadooda hor dhigeen mamulka gobolka iyo mamulka wasaarada caafimadka ee gobolka oo aan waxba ka qabanin haba yaraatee,,waxanay ka codsadeen xukuumada Somaliland inay wax ka qabtaan hawlaha cadaalad-darro ee maxajarkaasi Ka jira

 Magacyada Qaar ka mid ah dadka Cabanayey

  1. Aadan Jaamac
  2. Maxamed Saleebaan Jaamac
  3. Maxamaed Yuusuf Samatar
  4. Maxamed Yuusuf Cilmi
  5. Maxamed Cawed Ahmed

Cabashada shaqaalaha maxjarka Berbera ayaa soconaysay ilaa sannadkii la soo dhaafay oo aan ilaa hadda cidi  wax ka qaban waxaana ay ka codsadeen xukuumada Somaliland inay wax ka qabtaan cabashada shaqaalahaasi

SLpost News Desk

yasiin_29@rocketmail.com