Shaqaale Ajaanib ah oo u shaqeynaayay Hay’adda UNODC oo lagu dilay Garoonka Gaalkacyo

Somalia(SLPOST)Wararka aanu ka helayno Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in laba ruux oo ka tisan shaqaalaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka daroogada iyo dambiyada ee UNODC in maanta lagu dilay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

garoonka-gaalkacyo2

Shaqaalaha la dilay ayaa la sheegay inay Ajaanib yihiin , iyadoo Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo Cabdi Siciid Dhaga-weyne uu sheegay in askari ka tirsan ilaalada garoonka uu toogasho ku dilay labada nin xilli ay doonayeen inay ka duulaan garoonka iyaga oo ku sii jeeday dhanka magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo Cabdi Siciid Dhaga-weyne wuxuu sheegay in gacanta lagu hayo askarigii dilka gaystay, lamana oga sababta ka dambeysay dilka labada nin ee ajnabiga ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ayaa la filayaa inuu goordhow gaaro Magaalada Gaalkacyo, dhanka kale lama oga sababta ka dambaysa inuu askarigaasi uu dilo Shaqaalahaasi Ajaanibta ah.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland