Shaqaalaha Dekeda Berbera oo Mushaharkii Loo Kordhiyay

Berbera(SLpost)-Maareeyaha dekeda Berbera Cali Xoor Xoor ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in shaqaalaha dekeda loo kordhiyay mushaharkii, isaga oo mahadnaq u jeediyay madaxweynaha iyo wasiirka madaxtooyada oo uu sheegay inay oglaadeen.

Waxa uu sidan maareeyahu ka hor sheegay shaqaalaha dekeda Berbera oo uu khudbad u jeedinaayay“Mushaharka kordhiska ugu badan ee iman doonaa waa boqolkiiba kontan, madaxweynuu waa uu ku mahadsan yahay in uu iga qabalay in shaqaalaha loo kordhiyo mushaharka, wax kale oo aan u mahadnaqayaa wasiirka madaxtooyada iyo inta kale ee hawshaas ila gashay.”

Maareeye CalI Xoor Xoor waxa uu shaqaalaha kula dardaarmay inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan ganacsatada oo cabashooyin la xidhiidha shaqaalahu uu ka soo baxay.