Shaqaalaha Dawladda oo maalmaha Sabtida iyo Axadda loo Fasaxay Xuska 18-ka iyo Hambalyada masuuliyiinta

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaarada  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamud Axmed Barre (Garaad), ayaa maanta qoraal uu  soo saaray ku sheegay,in  Maalmaha Sabtida iyo Axadda  ee  19-Ka iyo 20-Ka bishan May ay shaqaaluhu  fasax ka noqon doonaan shaqooyinkooda xuska munaasibadda 18-Ka May awgeed.

Qoraalka wasiirka oo soo gaadhay SOMALILANDPOST waxa uu ku sheegay in sida uu dhigayo xeerka shaqaalaha Rayidka ah  hadii mid ama dhowr fasax qaran isku beeg-maan ay shaqaaluhu xaq u leeyihiin inay maal-maha xiga  helaan fasaxoodii.

Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada, waxa uu hanbalyo iyo bogaadin u diray munaasibadda 18-Ka May awgeed, shaqaala-weynaha Jamhuuriyada somaaliland, isagoo u rajeeyey inay sanadkan kiisa kale ku gaadhaan caafimaad iyo Barwaaqo.

Dhinaca kalena Gudoomiyaha hay’ada Shaqaalaha Dawladda Mud. Nuux Sh. Muuse Ducaale,ayaa isna qoraal  uu soo saaray Waxa uu ku sheegay in shaqaalaha Dawladdu ay fasax ka yihiin shaqada  maal-maha Sabtida iyo Axadda  ee 19 Iyo 20 Bishan May,Iyada oo xuska  18/May uu ku began yahay maalin Jimcaha ah awgeed.

Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha Dawladdu waxa uu hanbalyo u diray munaasibadan awgeed dhammaan shaqaalaha dawlada iyo xaasaskooda.isaga oo u rajeeyey xuskan kiisa kaleku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo iyo caafimaad qab.

SLpost News/Hargeysa