Shan Khatarood oo Halis Ku ah Dunida – Qalinkii: Khaalid Ducaale

khaalidSida ay qortay xarunta cilmi-baadhista ee PEW Research Center, waxaa dunida halis ku ah shan waxyaabood oo galin kara dunida khatar weyn, waxaa ka mid ah:

1-     Cudurada AIDS, EBOLA Iyo Cudurada Dilaaga Ah

Wadamada ka hooseeya saxaraha weyn ee Afrika waxaa halis xooga ugu jiraan cudurka AIDska, EBOLA isagoo si xawli ah u koraya maalinba maalinta ka dambaysa, waxaa wadamada la tabcaaneen la dagaalanka cudurada, waa halis guud oo dunida oo dhan ku soo socta taas oo keeni karta dabargo ku yimaad dadka dunida ku nool.

2-     Nacayb Diimeedka

Waxaa bariga dhex ka soo koraya nacaybashiyo ku salasan diinta, taas oo mudooyinkii ugu danbeeyey si xooga ah u soo kordhaya, taas oo horseeday in colaadi ka qarxisay deeganada bariga dhexe, waa mid ku fidi doonto dhamaan dunida

3-     Sinaan La’aanta Dhaqaalaha

Wadamada yurub, waxaa aad u koraya faraqa u dhexeeya dabaqada hoose iyo dabaqada sare ee dhaqalaha, cilmi baadhis xoog leh oo dhamaan wadamada yurub laga sameeyay waxaa sheegaya in sinaan la’aanta dhaqale ay halis weyn ku tahay nabada dunid.

4-     Kala Duwanaashiyaha Fikirada Labada Xisbi ee Maraykanka Ee Jamhuuriga Iyo Dimuquraadiga

Waxaa kale duwanan xaga afkaarta ka dhexeeyaa laba xisbi ee ugu waaweyn wadanka maraykanka, waxaa Jamhuuriga ku caan yahay nacaybashiyaha qoomiyaha qaar, halka Dimuquraadigu aad ula dagaalamo farqada u dhaxeeyay dabaqada hoose iyo ta sare. Hadaba kale duwanntaasi waxa halis weyn ku tahay, nabada dunida waayo xisbiga kastaa waxaa uu u adeegaya dantiisa mar awood qabsado.\

5-     Hubka Nugliyeerka

Wadanka jaban waa dalka qudha ee arkaya dhibaatada ay leedahay istimaalka hubka nugliyeerka , waxaa aad uga baqo qabaan fididka hubkaasi in dunida ku keento dhibaato weyn, oo maaln uu gacanta u galaan dad aan xilkasnimadoo badnan.

QALINKII: KHAALID DUCAALE

TEL: 00252-634111694

TWITTER: @KHDUALEH

WWW.KHDUALEH.BLOGSPOT.COM

HARGEYSA, SOMALILAND