Shan Arrimood Oo Raggu Aanay Jeclaysan Inay ka ka maqlaan Lammaanaha ay nolosha la wadaagaan

Waxa jira arrimo lamanaha is-qaba ku adag inay ka wada hadlkaan ama ay wax iska waydiiyaan halka marka aad si mug leh ugu fiirsato laga yaabo in waxyaabo xiisad ka dhex abuura qoyska ama lamaanaha is jecel marka dib loogu noqdo ay fududaan karaan. Ha u malayn in waanooyinkani yihiin kuwo la iska yidhi hasa yeeshee waa qaar laga soo ururiyay ayna si wayn u naaqisheen dad si wayn u daraaseeya nolosha aadamiga gaar ahaan xidhiidhka lamaanaha. Shanta arrimood ee maqalkooda ragu  aqbalin aadna u dhbsadaan inay ka maqlaan lamaanahooda ayaa kala ah.

  1. woman-qayloMa Daneeyo, Laakiin Awgaa waan u samayn doonaa sidaad rabto, marka jawaabtan oo kale gabadhu ka bixiso arin go’aankeeda talo laga waydiiyay waxay muujinaysaa in dhinac qudha danyta arintani ka jirto, hasa yeeshee waa haweenaydu ogaato sida ay wax kasta oo wada-hadal ka furan yahay, ama ku cusub, ama ay jeclaysato ama iyadu door bido oo kale ay u haboon tahay in aanay markan uga cararin masuuliyada oo tix galiso wax cajabiyay lamaanaheeda. Jawaabta noocan oo kale ahna uma dulqaataan ragu inay ka maqlaan lamaanahooda nolosha.
  2. Heesaagaa ama Jilaagaasi waa mid wanaagsan, qurux badan aadna aan u jeclahay, ka hadalka arimaha noocaas oo kale ahii waxay ninka ku dhaliyaan hadii uu xaaskiisa ama lamaanihiisa ka maqlo cadho iyo fikir niyad xumo badani ku dheehan tahay, mana awoodi karo ninku inuu u dul-qaato amaanta ama indho la sii raaca nin kale oo dhigiis ah. Ma jiro qof rag iyo dumar midkuu doono ha ahaadee oo lamaanihiisa nolosha ka dhagaysan kara ka sheekaynta, amaanta iyo la haasaawida qof dhigiisa ah, xitaa hadii ay tahay wax ku day ama tijaabin gabadhu ku doonayso waxay arimaha iyo ficilada noocan oo kale ahii yihiin kuwo kala fogaansho iyo isku dhac horseeda. Waxaana mid kasta oo lamaanaha ka mid ah looga baahan yahay inuu ka dheeraado amaanta iyo buunbuuninta cid kale oo hinaase dhinac kale ku abuuri karta.
  3. Xidhashada Dharkan Ma Waxaan Ugu Ekaadaa Mid Buuran, waa mid cad sida su’aal qaabkan oo kale ahii markiiba u abuuri karto duufaan iyo xiisad, waxaana kugu waajib ah inaad ka dheeraatoo jawaab ka bixinta arintan, hadii dhinaca haweenayda ay ka timaado su’aashu waxa ninka la gudboon inuu si buuxda uga dhugto muuqaalkeeda oo hadii shaygu ku dhegan yahay waxna u dhimayo neefsashadeeda uu kula taliyo inay iska badasho, halka gabadha looga baahan yahay in ay ka yara dheeraato ninka oo ay ka gaabsato ka jaawaabista hadii dharku ka yar yahay iyo hadii kale, taasina waa xalka ugu dhow, laakiin ma jecla ragu soo jeedinteeda.
  4. Ma Wacan Tahay, Ma Qurux badan tahay, tani waa xaaladaha ugu adag lamaanaha soo dhex gala waaana ta ugu halista badan ee dhalin karta in colaad ay abuurto, hadii gabadhu ninkeeda waydiiso arimahan wax kasta oo uu ka yidhaahdaa waa wax jawaabtooda ka hor intaanu afkiisa ka soo bixin la sii hayo, hadii tusaale ahaan ay waydiiso miyaanay qurux badnayn ama dabeecad fiicnayn Heblaayo, ogow hadii uu haa ku jawaabo waxa suura gal ah in dagaal iyo gacan qaadba ay gabadhu kaga jawaabi karto, hadii uu is diidsiiyana waxay si deg deg ah ugu jawaabaysaa, Hi khiyaanoole, waan ku fahmay sidaas uun baad waligaaba ahayd, waxay noqotaa arintani mid qayb ka noqota kiisaska lagu madax jabiyo ninka mar walba.
  5. Maxay Ku Tahay, waa weedh muujinaysa in qofka soo jeediyay danaynayo in talo lagu biiriyo, laakiin ma og tahay in rag badani soo jeedin kasta oo xaaskiisa kaga timaada uu si ka soo horjeedkeeda ah uga jawaabo, isla markaana ay jiraan rag badan oo ka aaminsan in wax kasta oo gabadhu waydiisaa laba mid uun ku noqon doonaan, in jawaabtiisa difaac iyo wax isaga loo isticmaalo laga dhigto iyo in ay suura galiso Meel aan rabay roob ma igu helay.