“Shacbiga reer Somaliland oo dhan ayaan codka ka rabaa, beel yar oo kooban kama rabo”

Maxamed Biixi YoonisHARGEYSA (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka dareen Celiyey go’aan xubno ka tirsan Guddiga Horumarinta Beelaha Sacad Muuse ku sheegeen inay kala reebeen murashaxnimada jagaga madaxtinimada ee Xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay inaanu ahayn wasiir beeleed balse uu yahay Wasiir iyo Siyaasi Qaran oo taageero ka doonaya dhammaan shacabka Somaliland.

Xubno ka tirsan Guddiga Horumarinta ee SACAD MUUSE oo lagu doortay Shirkii Hoodaale ee badhtamihii sannadkan lagu qabtay deegaanka Agabbar ee Woqooyiga Hargeysa, ayaa go’aan ay shaaciyeen Salaasaddii dorraad ku sheegay inay isla garteen in tartanka madaxtinimada ee Xisbiga Kulmiye ay u garteen beel ahaan Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ka dib marka ay dhammaato muddo-xileedka labaad ee madaxweyne Siilaanyo, arrintaas oo meesha ka saartay damaca siyaasadeed ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi iyo Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo hore u shaaciyey inay xisbiga Dhexdiisa uga tartami doonaan jagada madaxtinimo ee dalka.

Md Maxamed Biixi Yoonis oo maanta warbaahinta kula hadlaayey madaarka Hargeysa, kadib socdaal uu kaga soo laabtay dalka dibaddiisa, waxaana uu carabka ku dhuftay in uu yahay murashax u taagan jagada madaxweyne nimada ee dalka ka dib marka uu madaxweyne Siilaanyo muddo-xileedkiisa dhammaysto, isla markaana uu taageeradooda uga marti yahay dhammaan shacbi-weynaha Somaliland.

“Horta waxaad ogaata anigu wasiir qaran ayaan ahay, ma ihi wasiir beeleed dalkana waxaan u imi in aan hawsha uu waddanku leeyahay ee dibada ku lug leh ee ictiraafkeeda, horumarkeeda iyo dhaqaalaheedaba leh aan ka hawl galo, nin beel ka soo jeeda ma ihiyee waxaan ahay wasiir culus oo arrimaha dibada ah oo reer Somaliland u shaqaynaya, arrimaha yar ee beelaha ee hooseeyaana aad iima khuseeyaan,”ayuu yidhi Md Maxamed Biixi Yoonis oo warbaahintu wax ka weydiiyey sida uu u arko go’aanka ay guddigaasi shaacisay.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Axsaabtana waxaa loo samaystay in lagu tartamo, gole dhaxe ayaa jira, qof ala iyo qofkii doonaya in uu doorasho u cararo Somaliland xisbigaa halkaa taagan ayuu ka dhex cararayaa, beelina wax ma goyso, beelna anigu murashax uma ihi ee waxaan u ahay Somaliland oo dhan, waliba waxaan murashax ahay marka uu madaxweynahu hawshisa dhamaysto.”

“Shacbiga reer Somaliland oo dhan ayaan codka ka rabaa, beel yar oo kooban kama rabo,” ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

SOMALILANDPOST.NET