Shacabka Somaliland oo ka Dareen-celiyey Sida ay u arkaan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Shacabka Somaliland, ayaa siyaabo kala duwan uga dareen-celiyey Golaha Wasiirrada ee uu soo dhisay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo todobaadkan soo dhisay Gole Wasiiro oo ka kooban 32 xubnood oo isugu jira Wasiirro iyo wasiir ku-xigeenno.

Telefishanka madaxa-bannaan ee HCTV, ayaa warbixin ka diyaariyey xog-waraysiyo uu la yeeshay qaybo ka mid ah bulshada oo uu wax ka weydiiyey sida ay u arkaan xukuumadda cusub, haddii ay tahay xukuumaddii tayadeeda laga sugayey madaxweyne Muuse Biixi.

HADDABA HOOS KA DAAWO ARAGTIYAHA SHACABKU KA MUUJIYEEN GOLAHA WASIIRRADA CUSUB