Shacabka Scotland oo u codeeyey inay ka sii mid ahaadaan Midowga Boqortooyada Britain

Glasgow (SLpost)- Natiijada Hordhaca ah ee codbixintii shacabka Scotland maalintii Khamiista ka dhiibtay inay ka sii mid noqdaan Midowga Boqortooyada Britain iyo inay noqdaan waddan Madax-banaan, ayaa muujinaysa sida aanay shacabka dalkaasi u doonayn inay ka goosteen UK inteeda Kale.

scotland

Gobolka Scotland oo ka kooban 32 degmo, ilaa immika waxa la tiriyey codadka SHAN degmo oo marka laysku geeyo ay ka codeeyeen 140,204 qof, waxaana HAA oo ka dhigan gooni-goosad u codeeyey 63,340 oo ka dhigan boqolkiiba 45.18, halka tirada dadka u codeeyey MAYA oo ah Inay ka sii mid ahaadaan Midowga UK noqotay 76,864 oo ka dhigan boqolkiiba 54.82.

Maxaa u dambeeyey?

 Wararka u dambeeyey ee ka soo baxay natiijada Codbixinta, ayaa muujinaya in shacabka Scotland ay ka soo horjeesteen in ay ka madax-bannaannaadan Midowga Boqortooyada Britain, waxaanay natiijada u dambaysay sheegaysaa inay shacabku u codeeyeeen inay ka sii mid ahaadaan UK, iyada oo codadkii guud ee la tiriyey natiijada ka soo baxday Aftidii la dhiibtay shalay ay u dhigan tahay in boqolkiiba 55 ay ogolaadeen inay ka sii mid ahaan UK, halka boqolkiiba 45 ay u codeeyeen madax-bannaani.

 

YES = 45 %

NO = 55 %

W