Shacabka iyo Ganacsatada Tog-wajaale oo ka warbixiyey Baaxadda Khasaaraha Maaliyadeed ee ka Dhashay 100 Guri oo Shufbeelay

TOG-WAJAALE (SLpost)- Tiro ku dhow 100 guri oo isugu jira meherado ganacsi iyo Guryo qoysas deggan yihiin, ayaa maanta ku shuf-beelay magaalada Itoobiya iyo Somaliland ku taalla ee TOG-WAJAALE, kaddib markii dab aan la ogeyn sababta dhalisay oo kacay mid ka mid ah guryahaas, kaas oo sababay inay gebi ahaanba shuf-beelaan Guryahaas iyo meherada ganacsi.

WAJAALEHaddaba, Shacabka magaalada Tog-wajaale ayaa warbaahinta la hadlay waxaanay ka warrameen khasaaraha dabka ka dhashay, diyaar-garow la’aan marka ay yimaaddaan masiibada noocan oo kale iyo qorshe xumada dowladda Hoose ee magaaladaas oo ah xarunta ganacsi ee Somaliland iyadoo ay yaallaan Hanti aad u badan oo shacabku leeyihiin.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO XOG-WARRAN SHACABKA