“Shacabka Hargeysa waa Gob laakiin waxay u baahan yihiin Dowlad…” – Prof Cali Khaliif Galeydh

Marxuum Cali Khaliif Galeydh

 

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeydh, ayaa sheegay in shacabka Somaliland yihiin dad wanaagsan, laakiin ay u baahan yihiin dowlad wax-qabadkeedu wada-gaadho isla markaana xal u heli karta tabashooyinka dhinacyada adeegyada bulshada iyo kaabayaasha Dhaqaalaha.

Prof Cali Khaliif Galeydh oo hadal ka Jeediyey munaasibad xalay lagu daah-furay buug uu qoray suxufiga caanka ah ee Axmed Siciid Cige, waxa uu si gaar ah u soo qaatay shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa oo uu sheegay inuu karaamayn, soo-dhawayn iyo Qaddarin kala kulmo xilli kasta oo uu yimaaddo.

Prof Galeydh waxa uu sheegay inuu Shacabka Hargeysa u Qirayo gobanimo uu ku majeertay inay leeyihiin isla markaana ay yihiin shacab iskood wax u qabsaday balse ay tabayaan nidaam dowladeed oo buuxiya baahiyaha dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha iyo Arrimaha bulshada oo ay ka mid yihiin dhismaha waddooyinka iyo inay Caasimaddu hesho biyo ku filan.

Haddaba, Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadalka Prof Cali Khaliif Galeydh ka jeediyey Munaasibadda daah-furka Buugga War-jire ee uu Qoray Suxufi Axmed Siciid Cige.

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net