Shacabka Degmooyinka Caynaba, Oog iyo Gar-adag oo si isku mid ah ku qaabilay Weftiga Urur-siyaasadeedka WADANI oo Xafiisyo ka furtay

Gar-adag (SLpost)- Dadweynaha ku nool magaalooyinka Caynaba, Oog iyo Gar-adag ayaa maanta si aan kala dhicin oo meeqaankeedu sarreeyo u soo dhaweeyey wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ah-na guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro].

Guddoomiyaha iyo weftiga uu hogaaminayo oo saaka ka ambabaxay magaalada Burco oo ay xalay u hoydeen, ayaa waxay safarkooda ka bilaabeen magaalada Caynaba oo ay si weyn ugu soo dhaweeyey masuuliyiin. Madax-dhaqameed iyo dadweyne aad u tiro badan, kuwaas oo u gelbiyey xarunta cusub ee ururka WADANI ee Caynaba oo isla maanta uu guddooyuhu xadhiga ka jaray.

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo la hadlay dadweynaha reer Caynaba, ayaa si weyn uga mahadceliyey soo dhawaynta ballaadhan ee ay ku qaabileen weftiga uu hogaaminayo. “Waxaa maanta farxad weyn noo ah inaanu xadhiga ka jarno xafiiskan quruxa badan ee aad naga siiseen magaalada Caynaba. Urur-siyaasadeedka WADANI waxa uu ka mid yahay oo uu hormuud u yahay urur-siyaasadeedyada lagaga dhawaaqay Somaliland iyo kuwa la soo wadaba. Waana ururkii ugu horeeyey ee isdiwaangeliyey.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Furitaanka Xafiiska Caynabo

Waxaana uu intaa racaaciyey oo uu yidhi “Ka dib markii aanu buuxinay shuruudihii qaybta koobaad waxa aanu hadda u soo baxnay inaanu buuxino shuruudihii qaybta labaad oo ay ka mid tahay in xafiisyo la furo, in taageerayaasha la diwaangeliyo. Markaa taageerada aad noo mujiseenna aad ayaad mugu mahadsan tihiin.”

Guddoomiyuhu waxauu dadweynaha reer Caynaba kula dardaarmay inay ilaaliyaan nabadgelyada inay ilaaliyaan nabadgelyada. “Si aynu dhibaatooyinka iyo mushkiladaha badan uga baxno waxaynu u baahan-nahay midnimo qaran. Sidaa darted ururka WADANI waxa uu ajandihiisa koobaad yahay in midnimada Qaranka la ilaaliyo. Waxaana aanu aaminsan-nahay inuu yahay ururkii midnimadaa keeni lahaa.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Waxaana uu intaa ku ladhay oo uu yidhi “Waxa aanu rajaynaynaa inaad taageeradiina na siisaan. Ururo badan ayaa tartami doona waxa aanu ku kalsoon-nahay inaanu heli doono taageeradiina.”

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay aqoonyahanno iyo wax-garad ka tirsan deegaanka Degmada Caynaba oo dhammaantood tibaaxay inay ku faraxsan yihiin inay soo dhaweeyaan weftiga ururka WADANI, iyaga oo halkaa ka sheegay inay wixii taagaaro ah ila barbar-taagi doonaan ururka WADANI.

OOG iyo WADANI

Dadweynaha degmada Oog ee gobalka Sool ayaa iyaguna si aan qiyaas lahayn ugu soo baxay soo dhaweynta weftiga uu hogaaminayo gudoomiyaha Ururka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [Cirro]

Dad aad u fara badan oo  ka tirsan dadka deegaankaasi ayaa meel magaalada ka baxsan weftiga kaga  hor yimid gudoomiyaha iyo wafdigiisa, kuwaas oo lulayay calanka iyo astaanta Uurka WADANI iyo caleemo qoyan, iyaga oo dhakada iyo dhinacyadaba ka saaraa gawaadhida dheereeya noocyadooda kaladuwan.

Kadib wareeg dheer oo ay wafdigaasi ku soo wareegeen magaalada daafeheeda waxay ku soo biyo shubteen xafiiska cusub ee Urur-yaasadeedkaasi looga yagleelay si looga hirgaliyo hawlaha urrurkaasi.

Waxaana halkaasi hadal soo dhaweyn iyo warbiximba isugujiray ka soo jeediyey Xasan Aadan Maxamed oo ka tirsan masuuliyiinta maqcuulka ah ee deegankaasi waxaanu sheegay inay soo dhaweynayaan illaa xad ururka Waddani iyo wafdigiisa.

Xasan  Aadan waxa uu intaa ku daray Ururka WADANI inuu nasiibka ula simanyahay Xisbiyada kale ee horey u jiray iyo kuwa soo socdaba basle ka deegaan ahaan ay wax walba ka door bideen inay taageeradooda oo nooc walaba leh siiyaan uurrka WADANi, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Gudoomiye nasiibka waxaad ula siman tihiin xisbiyadii horey u  jiray iyo Urrurada kale ee soo socda balse annagu ka deegaan ahaan waxaa na laga filayaa waa inaanu codkayaga iyo taageeradayaba idinsiino.”

“Gudoomiye maanta waa maalintaadii degmada Oog iyo annaga oo hiil iyo hooba la garab tagan adiga iyo urrkaaga WADANI.” Ayuu hadalkiisa ku ladhay Xasan Aadan.

 Waxaa  isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha ururka dhalinyarada ee degmada Oog Yaasiin Sahal Ducaale waxaanu sheegay in uu goob joog ka ahaa mudaaharaadkii lagu diidanaa maamulkii Daahir Riyaale Kaahin gaar ahaan maalintii uu xidhay Golaha  Wakiilada.

Mr Ducaale waxa uu intaa ku daray markii ay Ciidankii Daahir Riyaale dhalinyarada Rasaasta ku garaacayeen gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna hogaamiyaha Ururka WADANI inuu si geesinimo leh banaanka ugu soo baxay isaga iyo ku xigeenkiisa 1aad Cabdi Casiis Maxamed Salaame iyada oo ay rasaastu  ku dul dhacaysay, “Dadka degmada Oog waxaan maanta u sheegayaa inay soo dhaweeyaan Gudoomiyaha Golaha Wakiillada ahna gudoomiyah urur-yaasadeedka WADANI waayo waa Siyaasi Rugcadaaha oo waliba qunyar socod ah.” Ayuu yidhi Yaasiin Sahal Ducaale.

Yaasiin Ducaale waxa uu intaa sii raacieyy “angu waxaan gobjoog uahaa maalintii mudaaharaadkii ka dhacay Hargeysa ee Daahir Riyaale ku xidhay xarunta golaha Baarlamaanka gudoomiye Ciro isaga oo lugaynaya ayuu xafiiskiisa dibadda uga soo baxay isaga oo dhex lugaynaya Rasaastii ay ridayeen Ciidamadii Daahir Riyaale Kaahin ee ay ku dhinteen labadii dhalinyarada ahaa ee xaqooda sidii nabad galiyada ahayd ugu mudaaharaadayey”

“gudoomiye aniga oo  ku hadlaya magaca dhalinyarada Degmadaa Oog waxaanu kugu soo dhwaynaynaa adiga iyo wafdigaaga aad hogaaminayso ee ururka Waddani degmaa Oog ee gobalka Sool waxaanan ku ballan qaadaynaa inaanu idin taageero balse waxaan kaa codsanaynaa inaad qorshe siyaasadeedkaaga ku darsato inaad wax ka qaban doonto dhobaatada haysata dhalinyarada reer Somaliland gaar ahaan kuwa degmada Oog” ayuu intaa sii raaciyey.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Oday Maxamed Saleebaan oo  ku hadlayey  magaca odayaasha deegaanka Degmada Oog waxaanu sheegay inay dadka deegaanka horey waxbadan u soo mareen dadk codkooda kaga uruursaday erayo macmacaan oo aanay ujeedadoodu dhaafsiisnayn inay hadhaw helaan hunguri iyo xoolaha umadda balse aanay dadka deegaanka dadn iyo  muraad toona ka galin markay danahooda gaarka ka oofsadaan isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “annaga waxaa horay noo soo maray siyaasiyiin farabadan oo codka dadyaga nagaga uruursaday erayo macaan balse markii dambe aan diba noogu soo laaban markaa waxaanu isu ognahay inaanaan codkayaga siinin nin dambe oo hunguri doon ah”

Xildhibaan Faarax Maxamed Cabdulle oo ka mida mudanayaasha golaha Wakiillada ee laga soo doortay oo kamida xubnaha wafdigaasi oo halkaa ka hadlay waxa uu ka hadlay arrimaha siyaasadda ee mus dambeedka u noqon doona mudanayaasha golaha Wakiilada ee uu ka  midka yahay balse ka hoos guuray Ururka Waddani waxaanu sheegay in uu Ururka Waddani iyo waxyaabaha u qorshaysan inay ka badalaan Siyaasadda dalka.

Marwo Khadiija XaajiIsmaaciil Bandare oo kamida Xubnaha dumarka ee wafdigaasi waxay sheegtay inay Hablaha Somaliland haystaan furasd qaali ah oo ay kaga faa’iidaysan karaan xeerka wax ka badallka ee dhawaan golaha Baarlamaanku dhalinyaradu kaga fududeeyeen caqabadihii dhalinyarada ka hortaagaa inay siyaasadda dalka dhinacooda ka kaga dhuuqaan.

Marwo  Khadiija Xaaji Bandare iyada oo arrimahaa warayasana waxay tidhi “horta dadka reer Oog waxaan uga mahad celinayaa sidii qiimaha lahayd ee ay noo soo dhaweeyeen” mahad celintaa ka dib waxay Hablaha reer Somaliland gaar ahaan kuwa degmada Oog u soo jeediysay inay  doorashada golayaasha deegaanka ee dhawaan lagu wado inay kalka ka qabsoonto u soo sharaax hablaha aqoonta leh ee waxbartay inay ka qayb galaan golayaasha deegaanka iyada oo arrimahaa  ka hadlaysana waxay tidhi “anigu waxaan doonayaa inay Hablaheena wax bartay gaar ahaan kuwa reer Oog isu soo sharaxaan ka qaybgalka doorashooyinka dhawaan dalka ka dhicidoona ee golahaasha deegaanka” ayey tidhi.

Gabagabadii munaasibaddaasi waxaa ka hadlay gudoomiyaha Golaha Wakiillada ahna hogaamiyaha [gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee ururka waddani] Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [cir] waxaanu ka waramaya ujeedada safarkooda ee ay ku  marayaan goballada bariga Somaliland taasi oo ah inay xafiisyada ururkaasi cusub ee Waddani ka soo guraan goballadaasi isla markaana ay  bushada deegaankaas isa soo bartaan.

Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka Waddan ahna gudoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [Ciro] waxa uu sheegay inay ka urur ahaan bulshada goballadaasi waxaanu sheegay inay Somaliland jirtay muddo 21 sano ah isla markaana aanay illaa iyo hadda ku guuleysan inay caalamka si buuxda uga mid noqoto iyada oo ah Dawladd la aqoonsan yahay inkastoo sida uu sheegay ay waxbadan dadaaleen masuuliyiintii soo maray xukuumadihii Somaliland isaga kala dambeeyey haddana inaanay walio helin wixii ay usoo hal gamaysay illaa muddadaasi balse rajada kaliya ee u muuqatay inay caalmka ka dhaadhicin karto inay Somaliland aqoonsi helaan ay tahay iyada uu ay dadka shacabka ah ee reer Somaliland gaar ahaan dadka reer Oog codkooda iyo taageetadoodaba siiyaan Ururka Waddani ee uu gudoomiyaha ku meel gaad inkastoo sida uu sheegay ay waxbadan dadaaleen masuuliyiintii soo maray xukuumadihii Somaliland isaga kala dambeeyey haddana inaanay walio helin wixii ay usoo hal gamaysay illaa muddadaasi balse rajada kaliya ee u muuqatay inay caalmka ka dhaadhicin karto inay Somaliland aqoonsi helaan ay tahay iyada uu ay dadka shacabka ah ee reer Somaliland gaar ahaan dadka reer Oog codkooda iyo taageetadoodaba siiyaan Ururka Waddani ee uu gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ka yahay.

Isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “walaalayaal waxaad ogtihiin inay Somaliland jjirtay muddo 21 sanadood ah wixii ay illaa muddadaa dheer u soo halgmaysay ee ahaa inay caaalamka aqoonsi buuxa ka hesho aanay wali helin” Mr Ciro waxa uu intaa ku daray “waxaan aaminsahay wixii caalamka kale inagaga xidhnaa illaa muddadaasi ee aqoonsigeena ahaa cidda kaliya ee waxka qaban kartaa inay ururka Waddani”

Mr Ciro waxa uu shuruud kaga dhigay aqoonsiga Somaliland in beesha caalamka laga dhaadhiciyo inay ka horeyso iyada oo aydadka reer Somaliland codkooda iyo taageeradoodaba ku hubsadaan ururka Waddani isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “walaalayaal waxay Somalilnad u baahantahay inay caalamka aqoosi ka hesho cidda kaliya ee keeni arta aqoonsigaana waxaan aaminsanahay in ay tahay Waddani balse waxaa ka horeysay inaad marka hore codkiina iyo taageeradiinaba nasiisaan”

Gudoomiye Ciro waxa uu dhalinyarada iyo guud ahaamnba dadka reer Oog ku baraaru jiyey haddii ay soo barteen siyaasadaha Masuuliyiintii dalka soo hogaaminayey iyo waxqabadkoodiiba  inaysan maanta iska lumin fursadda qaaliga ah ee hortaalla taasi oo ah inay dadka ay iyagu raaliga ka yihiin ee ay bari ka maalin is leeyihiin waxbay dadka iyo deegaan kaba u qaban karaan ay soo doortaan si aanay hadhaw ugu andacoonin waxaa taladayadii naga maroorsaday dad aan deegaanka matalin oo aanay iyagu iska soo dhexdooran.

Isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “maanta dhalinyarada deegaanka Oog waxaan leeyahay waxaan haysataan fursad qaali ah waxaanan idin xasuusin lahaa in laydinka furay dabarkii idinkaga xidhnaa inaad siyaasadda dalka ka qaybgashaan markaa waxaan idin odhan lahaa idinku dhexdiina iska soo doorta kuwii berito idin matalilahaa oo golahaasha deegaanka u soo xula inay iska soo sharaxaan”

Ugu dambeyntiina Gudoomiye Ciro waxa uu sheegay in uu yahay musharax u taramaya doorashooyinka madaxtinimada ee afar sano iyo badh kadib lagu wado inay dalka ka qabsoomi doonaan isaga oo jaran jaradaa dheer u sii maraya inuu guulesto ururkiisa Waddani ee uu gudoomiyaha ka yahay sidaa daraadeed waxa uu ka codsaday dadka reer Oog inay codkooda siiyaan si uu ugu biirsado taageerada kale ee uu ka hasto bulsho weynta reer Somaliland kuwaasi oo uu taageero ballaadhan ka haysto taasi oo ay makhraati cad u tahay sidii loogu soo baxaay ama looga soo dhaweeyey dhamaan goballadii kale ee uu soo maray illaa Awdal iyo inta u dhaxaysa Degmada Oog ee gobalka Sool.

GAR-ADAG IYO WADANI

Sida oo kale dadweynaha ku nool degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag ayaa iyaguna si ballaadhan u soo dhaweeyey weftiga  uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ah-na guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro].

Furitaanka Xafiiska Gar-adag

Dadweynahan oo weftiga guddoomiyaha kaga hortega tuulada Shiisha oo 15Km oo dhinaca galbeed kaga began Gar-adag, ayaa u soo galbiyey dhinaca magaalada iyada oo weftiga la geeyey xarunta cusub ee ururka WADANI oo uu guddoomiyuhu isla maantaba xadhiga ka jaray.

Guddoomiyaha degmada Gar-adag Maxamed Cilmi oo ka hadlay soo dhaweynta weftiga ayaa sheegay inay si ixtiraam leh u soo dhawaynayaan weftiga guddoomiyaha, isaga oo tilmaamay inay degmo ahaan ku faraxsan yihiin booqshada weftiga uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ah-na guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro].

Guddoomiye Cirro isna soo dhawaynta ka dib hadal kooban u jeediyey dadweynaha reer Gar-adag ayaa yidhi “Kelmad kaftan ah ayaan idin odhanayaa ee Madaxweyne Axmed Maxamuud Gar-adag ayaa laga soo saaray. Markaa waxaan qabaa taageerada aad noo muujiseen inaad WADANI-na soo saari doontaan.”

Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Sidii la idiin sheegay asaasayaasha WADANI rag badan oo reer Gar-adag ah oo nala socda ayaa ka mid ah qaar kale oo aan nala soconima way jiraan. Guud ahaan-na ururka WADANI waa urur uu leeyahay shacbiga reer Somaliland.”

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net