Shacab Wax soo Saar leh iyo Qaran Isku Filan Ayaa Horumar Higsada -W/Q Fouad Abdisalam

Fu'aad Cabdisalaan“Haddaan saracu taam noqon umadi ta’akhur weeyaane,

Waxbana kuuma taro raashin aad dibad ka tuugtaaye!”

Abwaan Xaaji Afqallooc.

 

Salamu laahi caleykum.

Horumarka  dowlad iyo shacab higsado waxaa saldhig looga dhigaa arrimo badan oo ay kow ka tahey wax soo saarka dalka iyo isku filaansho ay gaadhaan duunyadda ku nool deegaankaas kuwaas oo soo saarta ugu horeyn waxey cunayaa inta ugu badan iyo waliba keydka  mustaqbaleed ee cuno si looga taxadiro isbedelada cimileed ee saameeya wax soo saarka iyo dilaga beeraha.

Dunida horumartey  waxey gaadheen heer lagu kabo wax soo saarka dalka warshado sancooyin kale duwan oo noocyo kala duwan leh u sameeya wax soo saarka beeraha ee bulshadu tacbatey, Somaliland waxey leedahey dhul beerood balaadhan oo ku haboon wax soo saarka dadkooda iyo waliba in ka badan oo dibada loo dhoofin karo , inkastoo ay jiraan caqabado badan oo beeraleydu heysta hadana waxaan marag ma doon ah in xagal-daac balaadhan ku yimi wax soo saarka dalka oo aaney shacabka reer Somaliland u soo jeedin haba yaraatee.

Waxaa sidoo kale beeraleyda wax soo saarka leh ee dalka waxaa saameyn weyn ku leh cuntooyinka bulshadeena lagu qaatey ee bariiska iyo baastadu ugu horeeyaan ee dibadaha laga soo waaridayo, taas oo keentey meesha ay ka baxaan in yar mooyee wax soo saarku dalku sidoo kale niyad jabisey beeralay badan oo wax tabcan lahaa,  ganacsadayaasha dalka ayaa iyaguna  ku leh raad weyn hoos u dhaca wax soo saarka dalka  iyagoo  dalka keenaya wax walba oo cuntooyinku ka mid yihii iyagoo faaidadooda eeganaya  iyadoo suurogal ay noqon laheyd in dalka gudihiisa laga helo.

Waxaan xusuustaa Noloshii  reer guuraaga aheyd  ee xoolaha la dhaqan jirey beerahana la falan jirey in aaney aqoon dadku cuntooyinka aynaan dhaqan u laheyn oo ay quudan jireen waxey iyagu beertaan sida garowga, galeyda , arabikhida IWM iyo qoonta xoolaha taasna ku  noolaayeen se wakhti xaadirkan waxaa dalka meel walba mii iyo magaalaba gaadhey cuntooyinka dibada la inooga keeno ee aynaan dhaqan u laheyn.

Hadaba, Iyadoo todobaadka lagu jiro todobaad loogu magac darey TODOBAADKA CUNTADA IY BIYAHA SOMALILAND ayaa waxey bulshada ku baraarujineysa qiimaha iyo ahmiyadda qaranimada ay u leedahey in shacabku yeesho wax soo saar gaar ahaan cuntooyinkooda daruuraga ah, wacyigalinta iyo baraarujintani waxey shacabka dhaxal siin doontaa in fiiro gaar ah loo yeesho sidii loo tabcan lahaa dhulkeena oo loogu soo jeesan lahaa, waxase saran dowlada in dheerigalin intan ka balaadhan lala garab istaago beeraleyda ku hawlan in ay wax soo saaraan, oo cashuur dhimis iyo taageerida xaga agabka wax soo saarka lala garab istaago, sidoo kale wax muhiim ah in habka shirkadaha la dheeri galiyo oo dhulkeena beeraleyda ah ganacsadayaashu galiyaan maalgashi badan, dowladda sidoo kale waxaa saran in dalka laga joojiyo cunto kasta oo dalka gudihiisa laga heli karo ee dibadaha laga soo waaridayo si suuqa ay u helaan wax soo saarka dalku.

Wadamada aynu jaarka nahey sida Ethiopia oo kale waxaa ka hirgaley hab shirkado maxali ah iyo qaar caalami ahiba ay maalgashadeen beeraha iyo  beeralayda iyagoo hanta badan galiyey dalkiina wax tar weyn u leh dhalinyaro badana ay ka helayaan shaqo ay camal la’aanta kaga baxayaan.

Gunti iyo gabogabadii, Dal leh wax soo saar ku filan ayaa higsan kara horumar kasta oo ay himilo ka dhigtaan, ictiraaf la helaa qiimo ma yeelanayo ilaa aynu 80% cuntooyinkeena aasaasiga ah aynu dhulkeena kala soo baxeyno oo aynu ogaaneyno nimcada iyo qiimaha wax soo saarka dalku leeyahey, Waxaan bulshada farayaa gaar ahaan ganacsadayaasha in lagu dhiirado maalgashiga beeraha iyo wax soo saarka kala duwan ee dalka hanta badan iyo maalgashi lagu sameeyo.

Waad Mahadsantihin

Fouad Abdisalam Hassan

Qalbi005@gmail.com