Shabakado Wax tahriibiya iyo Dhalinyaro ay Duufsadeen oo lagu qabqabtay Gobolka Awdal

Borame (SLpost)-Waxa magaalada Xariirad ee degmada Saylac lagu qabtay dhawr iyo toban qof oo tahriibayaal ah oo isku dayayay inay xadka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia ka gudbaan iyaga oo tahriibaya, Tahriibayaashan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa waxa kale oo lala xidhay saraakiil ka tirsan waaxda socdaalka ee degmooyinka Boorama iyo Xariirad oo iyagu tahriibinayay dadkaasi tahriibayaasha ah.

news1

Weriyayaal ku sugan Xariirad oo ay shabakada geestiir oo aanu warkan ka soo xiganay la xidhiidhay waxna ka waydiisay arrintan ayaa u sharaxay xaalku sida uu yahay waxaanay yidhaaheen “Tahriibayaashan waxa laga qaqabtay habeen hore, waxana la socday saraakiil ka tirsan Waaxda Socdaalka oo ay qaarkood ka soo raaceen Boorama, qaar kalena ku sugayen Xariirad, waxana loo malaynayaa in ay Saraakiishaasi damacsanayd inay tahriibayaashaas u fududeeyaan arintaasi tahriibka, waxana dhamaantood gacanta ku dhigay ciidanka Amniga, waxana lagu xidhay Xariirad, waxana suura gal ah in Boorama loo gudbiyo”

Dhinaca kale Saraakiisha waaxda Socdaalka ee Gobolka Awdal oo aan la xidhiidhnay ayaa waxa ay u xaqiijiyeen in arinta xadhiga Tahriibayaashaas iyo Masuuliyiintaasi kaleba ay jirto, balse waxay ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan”

Somalilandpost.net

Borama