Shabakad Loogu Talo Galay In Carruurta Oo Keliyi Sida Google Wax Uga Baadhato Iyo Faa’idada Ku Jirta 

Washington (SLpost)- Dhammaan Bogagga Internet Ka Ee Loo Adeegsado Baadhista Xogtu Waxa Ay Leeyihin Adeegyo Dhinaca Ammaanka Ah, Oo Loogu Taglogalay In Ay Diidaan Qoraal Ama Baadhis Kasta Oo Aan Anshaxa Ku Bannaanayn, Ama Ama Ku Habboonayn Dadka Da’doodu Ay Ka Yar Tahay, 18 Sano, Laakiin Haddana Qoraalkaas La Diidanaa Si Ayuun Baa Uu U Dhaafaa Xakamaha Amni Oo Ay Dhacdaa In Laga Baadho Shabakadda Diiddan Lafteeda.

Maadaama Oo Xilligan Aynu Joogno Dunidu Marayso Heer Internet Ku Si Aad Ah U Baahay, Carruur Da’ Ahaan Yarna Ay U Suurtogeli Karto In Ay Isticmaalaan Waxa Uu Wargeyska Geeska Afrika Akhristayaashiisa Waalidiinta Ama Ubad Ka Masuulka Ah La Wadaagayaa Degelka Www.Thinga.Com Oo Ah Barbaadhiseed U Gaar Ah Carruurta, Gaar Ahaan Xilliyada Ay Ku Jiraa Bilowga Hore Ee Waxbarashada. Marka La Galo Bogga Wajahaadda U Ah Degelkan Waxaa Soo Baxaya Batammo Kugu Hagaya Sawirro Ama Filio Ku Habboon Carruurta, Sidoo Kale Waxaa Ku Yaalla Batam Ay Ku Hoos Jiraan Macluumad Dhinaca Waxbarashada Ka Caawinaya Ilmaha. Degelka Thinga.Com Waxa Loo Adeegsanayaa Si La Mid Ah Sida Wax Looga Baadho Google Iyo Degellada Kale Ee Baadhista Internet Ka.

Xigasho Geeska Afrika