‘Shabaabka kuma lug laha ganacsiga foolka maroodiga’

Uk(SLpost)-Hay’ad cilmi baariseed oo ku taalla Britain ayaa sheegeysa in xidhidhka ka dhaxeeya kooxda Al Shabab iyo ka ganacsiga sharci darrada ee fool maroodiga Bariga Africa uu yahay mid laga badbadiyey.

Waxa ay ku doodaysa hay’adda in indhaha laga leexinayey kuwa sida dhabta ah ugu lug leh gancsiga foolka maroodiga.

Warbixintan oo ay soo saartay hay’adda the Royal United Services Institute ayaa lagu sheegay in shabakadaha dhagar qabayaasha e sida aadka u sarraysa u habaysan, ee aan ahayn kooxaha mintidiinta, ay mas’uul ka yihiin inta badan ganacsiga sharci darrada ah ee fool maroodiga.

Tobanaan kun oo maroodi ayaa weli la gowracaa sanad walba, iyadoo ganacsatada bariga Aasiya ay u muuqdaan kuwo wali u ooman foolka maroodiga.