Serbia oo aqoonsaday madax-banaannida Kosovo oo hore uga tirsanaan jiray

Sofia, 20 April, 2013 (Ogaal)- Dawladda Serbia ayaa sannado ka dib aqbashay madaxbanaanida Kosovo oo hore uga tirsanaan jirtay, balse ka go’day sannadkii 2008, waxaana ogolaanshiyaha dalkaasi ee ku aaddan madax-bannaanida Kosovo ka hadlay, raysalwasaaraha Kosovo Hasim Thaçi oo sheegay in heshiiskaas macnahiisu yahay in Serbia aqoonsatay madaxbanaanida dalkas.

Dhex-dhexaadinta ka dhalatay ogolaanshiyaha Serbia ee madax-bannaanida Kosovo oo muddooyinkii u dambeeyey ay ku jireen dalal badan oo Midowga Yurub ka tirsan, waxa uu raysalwasaare Thaçi ku micneeyey in Serbia aqoonsatay madaxbanaanida iyo xuduudaha wadankiisa, taasina ay u horseedi doonto in wadamadii hore u diidanaa aqoonsiga dalkiisa ay ku raaci doonaan, “waxaan rajeynayaa inaan degdeg xubin uga noqono jimciyadda Qaramada Midoobay,” sidaa waxa yidhi Raysalwasaare Hasim.

Madaxweynaha midowga Yurub, Jose Manuel Barroso oo ka hadlay qiimaynta heshiiska dhexmaray labada dal, ayaa  yidhi, “waa heshiis taariikhi ah oo faa’iido u leh amaanka iyo xasiloonida gobolka.”

kkosovoDalka Maraykanka ayaa soo dhoweeyey aqoonsiga Serbia ee wadanka Kosovo, isaga oo  xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalkaasi John Kerry arrintan ka hadlay, “Waan ku bogaadinayaa Serbia iyo Kosovo go’aanka ay wada gaadheen kaas oo wanaajinaya xidhiidhkooda kuna timi geesinimada labada dhinac,” ayuu yidhi Kerry.

Kosovo oo ay ku nool yihiin Muslimiin badan oo Xasuuq iyo cadaadis kala kulmay wakhtigii ay ka mid ahaayeen dalweynihii laysku odhan jiray Yugoslavia oo burburay bilowgii sagaashamaadkii isla markaana wakhtigan isugu biyo shubtay dalka Serbia, ayaa ugu dambayn sannadkii 2008-dii ka goostay Serbia waxaana isla markiiba aqoonsaday dalalka Holland iyo Maraykanka halka ay ka diiddanayaan Ruuska, Israa’iil, Giriig iyo Spain.