SCOTLAND: Goobaha Codbixinta oo la xidhay iyo tirinta Codadkii la dhiibtay oo socota. Maxaase laga filayaa?

“Codbixinta Scotland waxay socotaa, waxay go’aan doontaa mustaqbalka Britain oo kaliya maahee sidoo kale waxbay ka beddeli doontaa Yurub,” sidaa waxa yidhi madaxweynaha Faransiiska Hollande.

Glasgow (SLpost)- Waxa daqiiqado ka hor la soo xidhay goobaha Codbixinta, waxaana hadda socoto tirinta codadka la dhiibtay, taas oo go’aamin doonta in gobolka Scotland ka sii mid ahaan doonto Midowga Boqortooyada Britain ama inuu noqdo Waddan Madax-bannaan.

scotlandTirinta Codadka la dhiibtay ayaa la filayaa inay socoto ilaa caawa, waxaana la filayaa inay la shaaciyo oo ay ka soo horeeyaan natiijooyinka codadka laga dhiibta 32-ka degmo ee Scotland ka kooban tahay oo mid-mid ah, haseyeeshee waxa natiijada ugu horeysa la filayaa in lagu dhowaaqo subaxnimada Jimcaha Berri, waxaana ugu dambeyn natiijada oo dhammayestiran la sugayaa 5:30 GMT subaxnimo oo saacadda Bariga Afrika tahay 7:30 subaxnimo.

Tirada dadka codadkooda dhiibatay maanta, ayaa dhan 4,285,323 qof (Afar Milyan, laba boqol siddeetan shan kun, saddex boqol iyo saddexiyo labaatan), taas oo boqolkiiba 97 ka ah tirada dadka u diiwaangashan inay codkooda dhiibtaan.

Shuruucda Doorashooyinka waddanka UK, ayaa ka mabnuucaya warbaahinta dalkaas inay baahiyaan natiijo codbixin oo ka soo hordhacda wakhtigii loo muddeeyey ilaa guddiga doorashooyinku shaaciyaan natiijada ugu dambaysa.

Wasiirka 1aad ee Scotland
Wasiirka 1aad ee Scotland

 

Haseyeeshee, aragtiyo laga ururiyey dadweynaha Scotland wixii ka horeeyey intaanay u dareerin codbixinta maanta, ayaa iftiimiyey inay aad isugu dhow yihiin tirada dadka gooni-u-goosadka jecel iyo tirada doonaysa Midnimada UK.

Wasiirka Koowaad ee Scotland Alex Salmond oo hoggaaminaya gooni-u-goosata Scotland, ayaa codkiisa ka dhiibtay magaalada Aberdeshire ee Woqooyiga Scotland.

Waxa uu sheegay inuu qabo kalsooni ah in boqolkiiba 99 shacabka Scotland ay ku qanci doonaan natiijada ka soo baxda codbixinta.

brown
Raysalwasaarihii hore ee Britain, GORDON BROWN oo codkiisa dhiibtay (Wuxuu u dhashay Scotland)

 

“Codbixinta Scotland waxay socotaa, waxay go’aan doontaa mustaqbalka Britain oo kaliya maahee sidoo kale waxbay ka beddeli doontaa Yurub,” sidaa waxa yidhi madaxweynaha Faransiiska Hollande.

Haddii shacabka Scotland u codeeyaan inay noqdaan dowlad gooni ah, waxa ay soo gebo-gabayn doontaa muddo saddex qarni ku siman oo ay Boqortooyada UK ku midaysnaayeen England oo laga xukumo Dhaqaalaha iyo awoodda Milatari ee Britain.

Marka laga yimaaddo Scotland oo go’aankeedu natiijada codbixinta ku xidhan yahay, Boqortooyada UK waxa ku midaysan gobollada Wales, England iyo Northern Ireland.

SOMALILANDPOST.NET