Sayniska iyo Sansaanka Caalamka

 

YAGLEELIDDII KAWNKA

Saynisyahannada Fiisikiska iyo Xiddigiska ku talax tagay waxay baadhitaan dheer ka dib tobanaanka sanno ee tagay ogaadeen in kawnkan oo dhan mar isku xidhnaan jiray oo la odhan jiray Primary Nebula. Ka dib, waxa dhacay bay yidhaahdeen kala go, loo bixiyay Big Bang, taas oo sababtay sameysanka Gaalaksiga. Gaalaksiga ayaa sii qaybqaybsamay oo noqday xiddigo, meerayaal, cad-ceedda iyo dayaxa. Waxa haddaba yaab ah in aragtidaa xaqiiqda ku saleysan uu Qur’aanku ka hadlay 1400 ka hor. Suuradda Al Anbiyaa, aayadda 30, Alle waxa uu ku yidhi , “ Miyaanay arag kuwa gaalada ahi in Samada iyo Cirku ay ahaayeen kuwo isku dhaggan, oo kadibna aanu kala fujinnay.” Sidaas waxa ku fasira Turjumaankii Qur’aanka, Ibnu Cabbaas.

HILLINKA AAYADDA: Sidee ayay uu suurto gali kartaa in 1435 Qur’aanka oo ka soo mudhay Saxaraha Carabta uu u sidi karaa Aragtida Sayniska ee Xaqiiqada ku saleysan ee maanta la ogaaday?

Saynisyahannada iyo Falagga ragga ku takhasusay waxay sheegeen in kawnka oo dhan mar aanu ahayn waxba ee uu ahaa DARUUR QIIQ ah . Dhug u yeelo hadalka Rabbi ee uu ku sheegayo, “ Kolkaa ka dib, Alle wuxuu sameeyay istiwaagiisii xagga samada oo ahayd kolkaa qiiq.”

HILLINKA: Si xeel dheer haddaan u fikirno, suurtogal maaha in xaqiiqdaa maanta la ogaaday hore loo ogaan karay 15 qarni ka hor haddii aanu ahayn WAXYI SAMAAWI ah mooyaane.

QAABKA UKUNTA AH EE DHULKA

Waagii hore, waxa la aaminsanaa in dhulku yahay qaab siman. Muddo qarniyo ah waxa uu aadanuhu ka cabsan jiray in fogaanta socodka la badiyo, waayo waxay filayeen in si fudud ay uga dhici karaan qarka dhulka oo ay karkaarka weydaaran karaan. 1597 ayay ahayd markii Francis Drake uu safar dheer oo uu galay ku ogaaday in dhulku yahay wareeg.

Alle SWT wuxuu Qur’aanka ku yidhi, “ Miyaanad arag in Alle habeenka si tartiib ah ugu beddelo maalinta, maalintana si tartiib ah ugu beddelo habeen.” (31:29)

Ujeeddada: Ifafaalahani wuxuu muujinayaa in dhulku wareegsan yahay sida ukunta oo kale, waayo haddii uu dhul bannaan ahaan lahaa fidsan, isbeddelka intaa le’egi ma dhaceen.

Mar kale Alle si dadban ayuu u sheegay in dhulku yahay, sidan ayaanu ugu tiraabay caddeynta qaddiyaddaas, “ Alle waa ka abuuray Samooyinka iyo Dhulalka dhab ahaan, Isaga ayaa habeenka maalinta dhex galiya, maalintuna waxay dhexgashaa habeenka.” (39:5)

HILLINKA IYO UJEEDDADA

Ereyga yukawwiru, ama kawwara falkiisu yahay waa is-dhexgalid – ama qaabka ay samayso kolka cummaamad madaxa lagu duubo ee wareega ah. In habeenka iyo maalintu is-dhexgalaan waxa keliya ee oggalaan karaa waa wareegga dhulka ee sida ukunta oo kale ah ama kubbad-qaabeed ku dhaw.

Sidoo kale, waxaan ognahay in Kemistariga, gaar ahaanna marka la baranayo dabarrada isku haya atamka uu ka mid yahay nooc dabar ah oo isku haya laba bir-ma-ahe. Noocaas waxa lagu magacaabaa ‘Covalent Bond’. Kolka labada atom ay doonayaan in la isku xidho, waxa shardi ah in ay is dhexgalaan – KAWWARA ama Ingiriisigu wuxuu u yaqaanaa OVERLAPPING. Markaas ayay elektaroono wadaagaan si khankooda dibaddu u buuxsamaan.

Isku soo wada duuboo, caddeynta ugu weyn ee si toos ah ubbaaraysa in dhulku u wareegsan yahay sida ukunta oo kale, waa ayaadda 30aad ee suuratu Annasicat. Alle SWT wuxuu ku yidhi, “ Intaa ka dib, dhulkii ayuu Alle ka dhigay sida qaabka ukunta oo kale ah, kolkaa kaddibna biyihii iyo baadkii ayuu ka soo saaray.”

Ereyga daxaahaa, oo ku jira aayadda waa ukunta ama beedka goroyada  waana hawraar aan hadal aqabali karin.