Saylici Iyo Muuse Biixi oo Munaasibad Balaadhan oo Taageero ah Lagu Qaabillay

Hargeysa(SLpost) – Aqlabiyadda xubnaha Golaha Dhexe ee KULMIYE ugu jira beelaha deegaannada gobollada Sool iyo Sanaag bari, ayaa taageeradooda tartanka xisbiga gudihiisa siiyey murrashaxiinta jagooyinka Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen ee Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Xaflad qado sharaf ah oo xubnaha golaha dhexe iyo waxgarad ka tirsan beelaha Harti ku qabteen huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka hadda talada haya, ahna murrashaxa xilkaasi u taagan KULMIYE gudihiisa iyo Guddoomiyaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi oo u sharraxan jagada madaxweynenimo tartanka doorashada shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE ee u muddaysan 10-ka bisha November 2015. Waxa kaloo casuumaddaasi goob-joog ka ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, madaxdhaqameed iyo marti sharaf kale oo ka soo kala jeeda guud ahaan deegaannada gobollada Somaliland oo dhan, kuwaas oo isku raacay taageerada labadan murrashax.

Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, kana mid ah xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa ka warramay ujeeddada ay casuumadan u qabteen oo uu ku sheegay inay ku shaacinayaan labada murrashax ee ay taageersan yihiin oo kala ah; Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici oo ay aqlabiyad xubnaha golaha dhexe ee beel ahaan isku raaceen.

“Tirada isku raacsan ee beesha Hartina waa 32 xubnood oo ka mid xubnaha golaha dhexe, kuwaas oo 27 ka mid ahi maanta halkan joogaan, sababta aanu  taageeradayada ugu muujinay waxa weeye Somaliland in badan baanu ka maqnayn, welina waxay u egtahay inaan nidaamka doorashada ku jirin deegaanno ahaan marka la eego, laakiin waxaannu maanta halkan ka sheegaynaa sunne ayaa la dhigay oo Muuse madaxweynihii ka horreeyey sunnuhuu dhigay waxa weeye xilligan ka ku xiga ayaanu madaxweynenimo u sharaxanahay, annagu Harti ahaan, hadda xaqiiqo ahaan murrashaxiinta xisbigu waxa weeye Guddoomiyaha xisbiga iyo Madaxweyne-ku-xigeenka,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Jaamac, waxaannu hadalkiisa intasi raaciyey, “Sidaa darteed, qoladayada aannu isku hayno loollanku waxaad moodaa in Muuse laga hadhay oo la yidhi arrintiisa ma hayn karno, si loo ragaadiyo xisbiga, si turunturooyin kale loo sameeyo waxa gacanta la isugu geeyay waa xagga Saylici, markaa waxaannu doonaynaa Saylici-na inaannu ka furfurno. Waxay sidaa u samaynayaan, maadaama oo halkii hore ee murrashaxa madaxweynenimo lagaga guulaystay inay xagga dambe oo ah doorashada dadweynaha, madaxweyne-ku-xigeen aan cod badan dadka ka helayn ayey doonayaan, taasna waxaannu go’aansanay oo aannu hubnaa inaannu kaga filanahay oo aannu Saylici dhaafin karayno halkaas.”

Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Wayse-Cade) iyo Xildhibaan Cali Gabiley oo kala matalayey labada murrashax ee madaxweyne iyo ku-xigeen, ayaa ka mahadceliyey taageerada iyo casuumadda xubnaha beelaha Harti u sameeyeen Guddoomiye Muuse Biixi iyo Madaxweye-ku-xigeen Saylici, iyagoo ballanqaaday in aanay iloobi doonin abaalkaasi.

“Maanta waa cashuura oo waa maalintii Nabi Muuse uu guulaystay, Muuse oo dhamina wuu guulaysnayaa ee ogaada, taasna maanta nasiib ayeydun u yeelateen. Ta kale, hadii Madaxweynaheenu uu guulaysto, Madaxweyne-ku-xigeenkeenuna wuuu guulaysnayaa, may dhicin in Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen lala kala hadho, mana dhacayso, innaga ayey inagu xidhan tahay hadaynu golaha dhaxe nahay.” Sidaa waxa yidhi Md. Cali Gabiley.

Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo ka mid ah madaxdhaqameedka gobollada Gabiley iyo Awdal, ayaa soo dhaweeyey taageeradan, waxaannu yidhi, “Waxaan idiinka mahadnaqayaa, taageerada ay u muujiyeen Madaxweynaha Mustaqbalka iyo Madaxweyne-ku-kigeenka, Maanta iyo biriba, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waana tii laysku lahaa, waa taad berri idinkuna u fadhidaan ee laydinku taageeri doono haddii Alle yidhaa,  waxaanu diyaar u nahay arrinkaas aad sheegteen (in madaxweynenimada dalka loo dhiso Harti shan sanno kadib) ee USP run ahaantii dee waynagii isla ogayn waynu wada lahayn haddaad maanta xisbigii soo celiseenna diyaarbaanu u nahay, weliba meeshaa aad qabsateenna waxaanu rajaynaynaa in aanu idinku garab galno sida aad maantaba labadan murrashax ugu garabgasheen, berrina annagu diyaar ayaanu u nahay in aannu idinla doono, waanaanu idinku soo dhaweynaynaa.”

Waxa kaloo madasha hadallo ka jeediyey Sahal Maxamed oo ka mid ahaa xubnaha golaha dhexe ee xafladda sameeyey, Maxamed Iid Dhimbiil oo matalayey golaha dhexe ee Koonfurta Hargeysa, Jaamac Xaaji Axmed oo ka socday deegaanka bariga Burco iyo Chief Caaqil Aaden Gees, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey murrashaxnimada jagooyinka Madaxweyne iyo ku-xigeen ee Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahn murrashaxa madaxweyne ee shirka golaha dhexe ee xisbiga gudihiisa, ayaa si wayn uga mahadceliyey taageerada deegaannada gobollada bari siiyeen isaga iyo Madaxweyne-ku-xigeenka iyo weliba Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee oo uu xusay inay labadooduba mar kale u tartamayaan xilalka ay hadda hayaan.

“Hadii aynu nahay Xisbiga KULMIYE waliba masuuliyiintiisii Guddoomiyihii, Gudoomiye-ku-xigeenka oo ku jira hoggaanka,  Guddoomiyihii Golaha dhexe, innaga waajib ayaa inaga saaran xisbiga  iyo dalka labada, waana inaynu innagu noqonaa tusaale wanaagsan oo sida loo tartamayo ah, waana inaynu ka fikirnaa isku haynta, wadajirka iyo horumarinta xisbiga, ilaalinta xukuumadda, u gargaarida Madaxweynaha hawlaha ku culus oo aynu hawsha la qabanaa, inaynu qarankeena hawlahiisa mid walba gaarkiisa u gufayno, wanu ognahay sannadkan arrimo badan ayaa jira abaaro ayaa jira, dhibaatooyin xagga hawada ah ayaa jira cimiladii way is bedeshay, baahiyaas waa inaynu gufaynaa.”

“Saaxiibadeedna xisbiga ee inala tartamayaa xaq ayey u leeyahiin, ha ina canaantaan, ha innagu gafaan, ha innaga gardarnaadaan, waa inaynu dulqaadanaa, waayo inaga ayey masuuliyaddu ina saaran tahay, taas ayeynu isku dardaaranaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa xilkaasi ee xisbiga KULMIYE gudihiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isna mahadnaq ballaadhin kaga falceliyey taageerada loo muujiyey, waxaannu xusay in hawsha xisbiga u taal tahay sidii uu u qabsoomi lahaa tartan wanaagsani.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa keliya ee inoo taallaa waxa weeye in hawsha inta inoo hadhay aynu hareeraha qabano oo si qurux badan oo sharaf leh aynu u tartano oo aynu inagu dulqaadka mar walba muujino, isla markaana qurxino tartanka ay kusoo baxayaan murrashaxiintu, iyadoo masuuliyadduna inaga ina saaran tahay sidii ay u dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo saaxad loo siman yahay loogu tartamo.”

“Idinka ka gole dhexe ahaanna waxaad tihiin dadka naga dambeeya ee marka aad na doorataan siyaasadda goynaya, ujeeddada aynu u soconaana maaha inaynu cid ku duulno, balse inaynu dalkan iyo dadkan kolba inta ka dhiman aynu gufayno oo horumarkiisa iyo wadajirkiisa iyo arrinta ictiraaf-raadinta ee mustaqbalka sidii aynu wadashaqayn lahayn ayuun baynu isku kaashanay, iskaashigeenuna waa mid khayr leh,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Cabdiraxmaan Saylici.