“Saylac kama jirto dad dhul laga Qaadayo ama laga Rarayo ee Dadka Degaankaasi degani waa Walaalo iyo Ehel”

Cabdirisaaq Waaberi Rooble

Hargeysa  (SLpostl)- Wasiirkii Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumaddii UDUB Mr. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa sheegay in aanay natiijada doorashadii degmada Saylac ee khilaafku ka dhashay ka dhignayn in dad gaar ah lagaga qaadayo dhul, balse shacabka degaankaasi wada degani ay yihiin walaalo iyo ehel is dhalay.

Mr. Cabdirisaaq Waaberi oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Selal oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in xal u helidda khilaafka degmada Saylac yahay mid u yaal dadka degaanka wada dega, isagoo xusay in ay dhawaan dhammaan doonto arrintaasi.

Cabdirisaaq Waaberi RoobleCabdirisaaq Waaberi oo arrinta ka hadlaya waxa uu yidhi, “Run ahaantii dalkani marxalado badan oo kala duwan ayuu soo maray, isla markaana tacab badan ayaa galay oo ay dadkiisu galiyeen, waxaynu intaas ku soo soconay waa wadatashi iyo isu-tanaasul iyo waliba deganaansho. Waxaad moodaa haddii waxyari yimaadaan in dad badani ka faa’iidaystaan oo siyaabo badan loo sheeg sheego, markaan eego degmada Saylac intii doorashadii golayaasha degaanka ka dambaysay hadallo badan baa ka taagnaa, dawladdu dadaal badan bay kaga jirtay, dad badan oo waxgarad ahina way ka hadlayeen. Arrinta Saylac waxay ahayd mid khusaysa dadka halkaasi jooga, waxaan ugu baaqayaa shacabka in marka hore nabadgelyada oo ah waxa ugu qaalisan ee dalkeenu ku socdo la ilaashado wixii jira khilaaf ah ee jira sharci iyo dhaqan soo jireen ah ayeynu leenahay oo aynu ku kala bixi jirnee aynu ula noqono ayaan leeyahay.

Waxaanay arrintaasi imika iila muuqataa mid iska dhamaanysa dhawaan oo waxaan ammaanayaa cidkasta oo ilaalinta nabadgalyada iyo isku soo dhawaynta dadkaas wadadashay ka shaqaysay,” ayuu yidhi Mr. Waaberi.

Waxaannu intaasi ku daray, “Waxaan caddaynayaa inaanay jirin wax nabadgalyo-darro ah oo Saylac ka jirtaa, waxaana ka jirta nabad buuxda oo qofku meesha uu doono ayuu seexan karaa oo uu mari karaa oo wax xiisad ah oo ka taaganina ma jirto, dadka reer Saylac-na maaha dad balaayo jecel ee waa dad nabadgalyada jecel oo ku caanbaxay nabad jacayl, waxaanan u arkaa anigu dad u baahan in maanta lagala shaqeeyo horumarka, mana aha dad kicin u baahan.

Run ahaantii doorasho ayaa dalkeena ka dhacday oo waa sidii ay u dhacday oo dad dhul laga qaadayna ma jirto, dad dhul laga rarayaana ma jiro oo dadka deegaankaas Saylac degani waa dadkii walaalaha ahaa ee marka horeba wada deganaa ee ehelka ahaa.”

Waxa kale oo uu ka difaacay Madaxweyne-ku-xigeenka eedaymo looga jeediyey doorashadii Saylac, waxaannu yidhi, “Markii ololaha doorashada loo baxayey weftigii masuuliyiinta iyo odayaasha beesha Ciise ee xisbiga KULMIYE waxa si fiican noo ambabixiyey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo naga taageeray socodaalkayagii, daacad iyo dhex baanu ka ahaa Madaxweyne-ku-xigeenku arrimaha doorashada ee gobolka Salal. Haseyeeshee, wixii inaga xumaaday waa annaga naga xumaaday ee maaha wax lagu eedayn karo Madaxweyne-ku-xigeenka.”

SOMALILANDPOST.NET