SAYLAC: Haween la Kufsaday iyo Xiisad ka Dhalatay

Saylac(SLpost)- Magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal ayaa lagu xidhay 5 nin oo ku eedaysay kufsiga laba haween ah. Kufsiga ayaa la sheegay inuu ka dhacay magaalada Lawyocaddo ee xuduudka Somaliland iyo Jabuuti.

Guddoomiyaha gobolka Salal Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa BBC-da u sheegay in nimankaasi labada gabdhood oo safar ahaa u sheegeen inay ka talaabinayaan xuduudka Somaliland iyo Jabtuuti, balse markay marinayaan Layocaddo ay kufsadeen, haatana lagu dawaynayo cisbitaalka magaalada Saylac.

Guddoomiye Waaberi, ayaa sheegaya inaan wali caddayn raggaasi lagu hayn balse arrintaasi baadhis xoog leh lagu hayo, islamarkaana faahfaahinta la bixin doono marka ay haboonaato. Waxa uu sheegay in boolisku xaqiijin doono eedaha loo haysto 5 nin ee loo xidhay arrintaasi kufsiga ah.

 “Booliska ayaa hawsha gacanta ku haya, oo  baadhaya kiiska, shan qof ayaa loo soo xidhay, nin ayaa loo malaynayaa inuu ku jiray kuwa gabdhaha kufsaday iyo niman kale oo kuwa wax tahriibiya ah. Dib ayaanu ka soo sheegi doona, marka ay baadhistu dhamaato, wixii faahfaahin ah ee la xidhiidha sida wax u dhaceen”ayuu yidhi guddoomiye Waaberi.

Arrintan ayaa xiisad Jimcihii ka abuurtay magaalada Saylac, kadib markii dadku isla oogsaday markii ay maqleen tacadiga foosha xun ee ku dhacay labada haween ah, oo sida uu sheegay lagu dawaynayo cisbitaalka Saylac, wuxuuna guddoomiyuhu tilmaamay in arrintaasi dejinteeda gacanta lagu hayo, kiiskana lagu qaadi doono cidda uu ku caddaado.

Ma aha markii u horaysay oo sidan oo kale gabdho safar loogu kufsado xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, waxaana dhawr jeer ooh ore jirtay in sidan oo kale dumar safar oo doonaya in ay u gudbaan dhinaca dalka Jabuuti xadka loogu kufsado.