Saxaafadu Eed kuma laha oo Maaha ta caytanta

Waxa haboon in Saxaafada laga daayo eedda had iyo jeer la huwinayo balse waxa haboon in tallaabo sharciga waa faqsan laga qaado cidda saxaafada siinaysa waraysiyada aan qiyamka waafaqsanayn iyo aflagaadooyinka oo dawladdu ay waajibkeeda qabsato. Waayo Saxaafadu waxay waraysataa cidkasta, waxaanay soo ban dhigtaa wixii jira laakiin saxaafaddu ma caytanto mana aflagaatooto.

Haddaba, waxaa maalmahan dambe saxaafadda (jaraai’ddada iyo idaacadaha) aad uga socda warar xambaarsan cabashooyin, cay, aflagaadooyin iyo haddalo kicin iyo abaabul dagaal oo ay faafinayaan rag ka tirsan ha’addaha dawladda Somaliland.

Dhacdadii ugu dambeysay ee ugu xumayd waxay ahayd tii uu kaga hadlayey ninka xildhibaan ka ah ee Cali Macalin Araye, oo Aflagaado, cay iyo fadeexad u jeediyey Dawladda Somaliland isla markaasna hadaladiisa ay aad uga muuqato abaabul dagaal oo uu ku doonayo inuu iska hor keeno beelaha khalkhalna galiyo nabad galyada iyo wada noolaanshaha beelaha reer Somaliland, isagoo ku tilmaamay doorashooyinkii dimuqraadiyadeed ee golaha deegaanka ee ka dhacay dalka 29 Nov 2012, waxba kama jiraan iyo inaanay sharciba ahayn isagoo ka mid ah golayaasha sharci dajinta ee ansixiyey sharcinamada doorashayooninka dimuqraadiga ah ee ka qabsooma dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Cali Macalin wuxuu marar horena kaga hadlay saxaafadda (Idaacadaha iyo Jaraaidka) isagoo oo durayey 2%-ka miisaanayadda ee dawladdu ku takaalayso gobolada bariga ee dhibaatooyin badan ragaadiyeen kuna tilmaamay mid eex ah oo xaqdarro ah. Markaad u fiirsato waxaad moodaa inuu ninkani aaminsan yahay inaanu jirin wax sharci ah lagu qaadi karo ama oo aanu wadanka sharciba ka jirin.

Haddaba, dawladda waxa waajibaadkeedu yahay inay ka hortagto gacan bira ah na ku qabato cidkasta oo si qaawan fagaaraha iga iclaaminaysa abaabul ka dhan ah deganaanshaha iyo wada noolaansha beelaha walaalaha ah ee Somaliland. Islamarkaasna waa in ninkan xildhibaanka ah la mariyo sharciga oo impeachment lagu sameeyo lagagana xayuubiyo maamuuska xildhibaanimada, lana horkeeno sharciga.

Allaa Mahadleh

 

Abdikani Ibraahim

 

Hargesa