Saxaafadda Iyo Kulmiye Wakhtigiisii Mucaaridnimo Iyo Isa Seega Muxaafidnimo. FAALLO

Xisbiga Kulmiye oo Mudo dheer soo ahaa Mucaarid soo bandhiga Dhaliilihii Maamulkii ka horeeyay ee Hogaaminayay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku ad adkaa Ilaalinta Xuquuqadka aasaasiga ee Muwaadinka iyo dhawrista Xoriyatul qawlka,Iyo iyagoo ka soo horjeeday Faragelin kasta oo lagula Kaco Saxaafada Madaxa Bannaan.

Way ku saxsanaayeen inay sidaa u hadlaan Waayo qodobo distoori ah oo ilaalintiisu Waajib qaran tahay ayay difaacayeen Kaas oo ah Qodobka 32aad ee Distoorka Somaliland Farqadiisa 3aad oo u dhigan “Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi-

dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.”

Hasa yeeshee Waxay Xukuumadu dhinac iska dhigtay Xeer Nidaamiyaha Saxaafadda ee No 27,ee dhaqangalka ah isla markaana uu Saxeexay Madaxweynihii hore ee Somaliland,Iyadoo Mudo badan ka shaqaynaysay diyaarinta Xeer ka fog in dal dimuquraadi ah lagu dhaqo kaas oo ay Golaha Wakiilada u gudbisay Waxaase Xeerkan ku gacan saydhay Hay’adaha Warbaahineed ee ka jira Somaliland,Waxay Haatan Dawladu u soo noqotay in Xeerkii dhaqangalka ahaa ay u sheegto inay Saxaafadda ku dhaqayso, Waxaase ayaan daro ah in Wasiirka Warfaafintu Jeebadiisa ka samaystay Wax uu ku sheegay Xeer nidaamiye is weydii Muxuu yahay Xeer 27/2004 Waa Xeer nidaamiye ka farcamay Distoorka qaranka Gaar ahaan qodobka 32aad Farqadiisa 3aad   .

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaamihii Nolosha Mucaaridnimo waxa uu cod dheer ku difaaci jiray Ilaalinta Madax bannaanid Saxaafada Weedho laga Guntay oo Maanta ku Kaysan Mulaaxa hadalka lagu duubo ayaa isagoo ka hadlaya Telefishanka Qaranka iyo Idaacada uu haatan Maamulo ee Radio Hargaysa oo ay ku doodi jireen in aflagaadadooda loo furtay waxaa laga guntay Weedhahan “ Waxaanu furaynaa Raadiyeyaasha iyadoo Xeer loo samayn doono, Hadaad Tv-ga Qaranka iyo Idaacada Radio hargaysa furato anaga ayuunbaa nalaga caayayaa oo shaqo kale ma laha,Qarana waa lagu sheegayaa”!.

Mudane Siilaanyo isagoo la hadlayay Xukuumadii Daahir Rayaale ayaa waxa uu Yidhi “Waxaan ka Codsanayaa dawlada in mar walba la dhawro Madax bannaanida Saxaafada iyo Ilaalinta Xoritayatul qawlla Muwaadinka,waana in Saxaafada iyo dadkaba aan laga qaadin xoriyaatka distoorku siiyay ee waa in weliba lagu dhiirigeliyo”.

Mar kale Waxa uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo markii uu Hogaaminta qaranka Ku guulaystay labada gole ee Baarlamanka Somaliland ka hor cadeeyay inuu Weli ku taagan yahay dhaqankiisii Mucaaridnimo ee ilaalinta madax bannaanida Saxaafada “Aniga waxaad igu taqaaneen inaan Mar walba difaaco Xoriyada Saxaafada iyo Madax bannaanida fikirka Muwaadinka maantana dhaqankaas ayaan dalka ku hogaaminayaa waxaanu soo dhawaynaynaa dulqaadna u leenahay dhaliisha naloo soo jeediyo”.

Mudo Koobani markii ay ka soo wareegtay Khudbadaas Waxa uu Madaxweynuhu Xabsiga u taxaabay ku dhawaad 40 Suxufi oo ka soo hor jeeday fal ay Xukuumadu albaabada ugu laabtay Xarunta Telefishanka HCTV,Taasi waxay beenaysay dhawaqyadii Madaxweynaha ee Ilaalinta Madax bannaanida Saxaafada oo lagu tilmaami karo beerlaxawsi aan jirin.

Xukuumada Xisbiga Kulmiye oo Talada dalka haysay Afar Sanno iyo 148 Maalmood Waxaa lagu sifeeyaa dawladii 1aad ee Mudadii Somaliland Jirtay Xabsiyada dhigtay Tiro ku dhow 300 oo Warfidiyeen ,Sidoo kalena Quful ku xidhay Sadexda Wargays ee kala ah Haatuf,Hubaal iyo Somalilandtimes.

Xukuumada haatan iyo Tii Rayaale Keebaa Saxaafada dulqaad u lahaa. Waa Su’aal Muhiima in la isweydiiyo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Xiligiisii Mucaaridnimo Waxa uu soo dhawaysan jiray Warbaahineed Waxa uu ku dheganaa in la dhawro Madax bannaanida Saxaafadda,Waxaa loo arki Jiray Looyarka amase Qareenka Saxaafadda Waxa uu Xisbigii uu hogaaminayay ee Kulmiye furtay Idaacad aan haysan Wax Sharci ah oo ay dalka kaga hawl gasho,Waxa uu Bilowgii hore Goob ay ku shaqeeyaan Hawl wadeenadii Idaacadii Horyaal uga sameeyay Xarunta Xisbiga Kulmiye Waxa uu ka baqo qabay in xarunta Kulmiye ay tahay halka qudha ee ay kaga nabad geli karaan Ciidamada amaanka, Dawladii Xiligaasi Way ogayd arrintaa Mar ayay hawl gal ku qaadeen Xarunta Kulmiye balse Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa is hor taagay Ciidankii Booliska ahaa isla markaana si Cad ugu Sheegay in hadii ay dhismaha aqalka Kulmiye galaan ay isaga iyo intii la socotay marka hore toogtaan, Ciidankii Waxay ixtiraameen Sharaftiisa,Hal Computer Laptob ah ayay ka qaadeen Xoghayihii Guud ee Xisbigaasi Marxuun Daa’ud M.Geele.

Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu qabsaday Caroogii Mucaaridnimo Waxa uu ku hadlay Luuqad adag Waxa uu beesha caalamka iyo daneeyeyaasha Saxaafada u soo jeediyay in loo Midoobo sida uu yidhi hab dhaqanada Guracan ee Xukuumadii Wakhtigaasi samaysay.

Hasa yeeshee Bilo Kooban kadib Waxay hawlwadeenadii Idaacada Horyaal ay Xaruntoodii ka dhigeen dhisme Boqol Talaabo wax ka yar dhanka bari ka Xiga Xarunta Wargayska Jamhuuriya Waxay halkaas ku diyaarin jireen Dacaayadaha uu Kulmiye u samaystay Idaacadaas,Waxay ka qaybgeli Jireen Shirarka Jaraa’id Xitaa Madaxtooyada ayaa u furnayd, Dawladii Madaxweyne Rayaale Way ogayd Cawaaqib Xumida ay dalka ku keeni doonto Talaabada Kulmiye iyo Hogaankoodu Xalaashadeen balse waxay door bideen inay indhaha ka laliyaan Waxay Xeerinayeen Maslaxada Waddanka, Maxaa Maanta is bedelay Hadii Radio Horyaal Mudo Todoba ilaa Lix sanno Sifo Xaaraan ah ku Shaqaynaysay,Waxa uu eekayd Madaxweyne Siilaanyo inuu ku adkaysto dariiqii Sharci darada ahaa ee uu Jeexay Balse may dhicin Waxay Dawladiisu Shan bilood wax ka yar ku wareeriyay oo Jiif iyo Joogba u diiday Idaacad FM ah oo “Radio Baadi goob” oo Koox dhallinyaro ahi furteen Sidii uu Madaxweynuhuba u furtay Mid ka weyn oo Mawjada gaaban laga dhagaysan Jiray Waxay Maanta ogaadeen dhaxalka xun ee furashada Idaacado aan Sharcigoodii la samayn ay dalka ku yeelanayaan, Waxaa lacag ka badan Boqol iyo Konton Kun oo doolar lagu hawl geliyay Laamaha amaanka sidii ay u soo qaban lahaayeen Radio Baadi goob iyo intii ka shaqaynaysaba,Aakhirkii way ku guulaysteen raacdadoodii,Mase odhan karnaa “Hal Xaaraan ahi Nirig Xalaal ah ma dhasho”.

In Saxaafadu u Hiiliso Kulmiye waxay ahayd mid ku Khaldan Qawaaniinta Warbaahinta oo ina faraysa in Saxaafaddu kaalin dhex dhexaad ah u ahaato dhinacyada Siyaasada ku loolamaya,Waa Su’aal u taala Madaxweynaha inay beerlaxawsi ahayd Sidii uu Saxaafada ugu doodi jiray Ayaamihiisii Mucaaridnimo iyo Dhaqanka Markii uu Kursiga ku fadhiistay ula soo baxay waxa sababay kala duwanaanshahooda,Ma Madaxweyne Siilaanyo ayaan ahayn Siyaasigii La yaqaanay Mise wax u qarsoon oon bulshada loo soo bandhigin ayaa Jira.

Gabo Gabo.

Isku soo wada duuboo Xukuumadan talada haysa iyo mid ka danbaysa oo iman doonta waa inay maanka ku hayaan inay jirayso jirina doonto Saxaafadda Xadhig iyo xabad midna ka baqanayn kuna Caano maashay Tebinta Xaqiiqooyinka dalka ka jira “Aynu ku Hadalno Waxaynu ku dhaqano,Aynu ku dhaqano waxaynu ku hadalno.

Maxamed Daahir Xasan

Suxufi Madax bannaan.

dalkahooyo2@gmail.com

La Soco qayb kale oo Ku saabsan Saxaafada iyo dhaqamada Xukuumada