Saxaafada Somaliland oo bixisay Lacag Ganaax ah oo Maxkamada Gobolka Hargeysa ay ku xukuntay Seddex Suxufi

Hargeysa (SLPOST)Saxaafada Somaliland ayaa Doraad Bixisay milyan iyo Seddeed Boqol oo shilling oo Somaliland ah, Lacagtaa ay maxkamadu ku xukuntay seddexda wariye oo ka qayb qaadanayey mudo haraad cabasho ah oo suxufiyiintaasi ku muujinayeen Xadhiga Wargeyska Hubaal.

images (1)

Lacagta Ganaaxa ah ayey Saxaafada Somaliland bixisay ka dib markii ay Xeer ilaalinta Gobolka Mararoodi Jeex ka noqotay Rafcaan ay doonaysay in ay ka qaadato Xukunka maxkamada oo ay saluugtay  iyadoo xeer ilaalintu doonaysay in xukun ciqaab ah maxkamadadu ku rido  Suxufiyiintaasi la ganaaxay.

Suxufiyiinta ayaa soo dhaweeyey Ganaaxa maxkamadu ku xukuntay maadaama ay inta badan uga barteen xukuno ciqaab  ahaan jiray oo ay tixgalin jireen  garsoorayaashu eedaha ay xeer ilaalintu u soo gudbisato, Suxufiyiinta la ganaaxay ayaa markii hore xabsiga la dhigay hase yeeshee xukuumada ayaa maalintii xuquuqal insaanka ka hor damiin ku sii daysay,  waxaanay makamadu dacwadooda waday iyagoa oo babanaanka jooga.

Milyan iyo sideeda boqol ee lagu xukumay seddexda saxafi ayaa mikiiba lagu xukumay lix boqol oo kun oo shilling

Dawlada Uganda Oo Ka Digtay Weeraro Argagixiso Oo Laga Fuliyo Dalkeeda

() Booliska Uganda ayaa heegan sare galiyay laamaha ammaanka ee caasimadda Kampala, ka dib markii ay soo shaac baxeen warar sheegaya in kooxda Al-shabaab ay qorshaynayso weerarro argagaxiso oo ay ka fuliyaan gudaha dalkaas.

“Waxaanu helnay warar dhinaca sirdoonka ah oo la Xidhiidha  in kooxda Shabaab ay doonayaan in ay qarxiyaan haamaha shidaalka iyo waliba xarumaha lagu iibiyo “ayuu yidhi afhayeen u hadlay ku xigeenka booliska dalkaas

“Ciidamadayada la dagaallanka argagaxisada waxa ay soo galbin doonaan gaadiidka shidaalka  ka soo qaada degmooyinka Malaba iyo Busiya ee ku yaalla  xuduudka aan la leenahay  Kenya “ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalkani

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland