Sawir laga Qaaday Dadka Somaliland ee ku dhaqan Dalka Jabuuti oo ku Guulaystay kaalinta 1aad ee Abaalmarinta Sawirrada Saxaafadda Dunida

Amsterdam (SLpost)- Sawir laga qaaday Habeenimadii Jimcuhu Soo galayay , dad ku sugan xeebta Djibouti, korna u haya telefoonada gacanta si ay u helaan Anteenada (Signalka) shirkadaha telefoonada Somaliland , kuwaas oo damacsan inay la  soo hadlaan ehelkooda gudaha Somaliland ku sugan , ayaa ku guulaystay abaalmarinta sawirkii ugu fiicnaa sawirka Saxaafadda Dunida (World Press Photo Award).

sawirSuxufiga sawirka qaaday oo magaciisa la yidhaahdo John Stanmeyer ayaa ah sawir qaade ka howl galla wakaaladda VII Photo Agency, balse wakhtiga uu sawirkan qaadayay howl shaqo u waday shirkadda duubista iyo ururinta sawirada iyo xogaha dunida caanka ku ah ee National Geographic.

Xaflada guddoonsiinta abaalmarinaha kala duwan oo lagu abaal-mariyey sawir qaadayaal tiradoodu 19  tahay, qaybo kala duwan oo sawir qaadista ahna lagu kala abaalmariyey, ayaa ka dhacday magaalada Amsterdam ee wadanka Holland oo ah meesha ay ku taalo xarunta guddiga  abaalmarinahan bixiya sanad kasta ee WORLD PRESS PHOTO.

“Waa sawir koob-sanaya sheekooyin iyo xaalado aad u faro badan – wuxuu dood ka abuurayaa arimaha sida – technology-ga, aduun edegaynta (globalisation), tahriibka, faqriga, dal-tabyada iyo xaaladaha binu aadaminimo,” sidaas waxa yidhi,  Jillian Edelstein.oo kamid ahaa gudigii kala xulista sawirada abaalmarinta u tartamayay.

Stanmeyer , sawir qaadaha muuqaalkan , oo ay wakaalada wararka ee AFP khadka telefoonka kula xidhiidhay kadib markii lagu dhawaaqay cida ku guulaysatay ayaa sheegay inay abaalmarintani sharaf u tahay.

“Waa muuqaal sida suugaanta ah, wuxuu isku xidhayaa dhamaanteen xaaladaha aynu ku jirno,” ayuu yidhi Stanmeyer, waxaanu intaasi ku daray. “Waa uun dad isku dayaya inay xidhiidh la sameeyaan kuwii ay ugu jeclaayeen, cida ay la soo hadlayaan,  adiguu noqon karaa, aniguu noqon karaa, mid kastoo inaga mid ah ayuu noqon karaa.”

Sawiro tiradoodu gaadhayso 100,000 kuwaas oo ay qaadeen tiro 5,754  oo sawirqaade ah kana kala socda 132 wadan oo caalamka ah, ayaa qiimaynta ay mariyeen gudi garsoor oo kala xulanayay.

Qofka ugu sareeyey ee sawirkiisu kaalinta koowaad ka gallay oo ah Stanmeyer ayaa la siin doonaa abaal marintan oo qiimeheedu dhan yahay 10,000 euros (14,000 dollars) iyo waliba Kamarad nooca ugu wanaagsan uguna qaalisan ah bisha April ee sannadkan  xaflad lagu qaban doono isla magalaada Amsterdam.

SOMALILANDPOST.NET