Sarkaal Ka Tirsanaan Jiray Sirdoonka Ruushka Oo Caddeeyey In Madaxweyne Putin Uu Amray Soo Ridista Diyaaraddii Ku Dhacday Masar Iyo Sababta Ku Kalliftay

London (SLpost) Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa cadadkiisii dorraad isku weydiiyey su’aashan “Ma dhici kartaa in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ka dambeeyey burburkii diyaaraddii rakaabka ahayd ee bishii Oktoobar ku dhacday gobolka Siinaay ee dalka Masar, isaga oo doonaya in uu qiil uga dhigto dagaalka uu ka wado Suuriya?

Faallo dheer oo uu Geeska Afrika soo koobay ayaa uu wargeysku ku sheegay in xog argagax leh oo Daily Mail ay ka heshay basaas hore uga tirsanaan jiray sirdoonkii Midowga Soofiyati ee KGB ay xaqiijinayso in laan ka mid ah sirdoonka Ruushka oo lagu magacaabo JRU ay Madaxweyne Putin kula talisay in la soo rido diyaarad rakaab oo Ruushku leeyahay, kadibna lagu eedeeyo Ururka DAACISH si loo huriyo duufaan cadho iyo colaad ah oo ka dhan ah DAACISH Ruushkuna calool dabac caalamiya ugu helo dagaalkiisa Suuriya, loona arko in uu argagaxiso caalamiya dagaal kula jiro.

Boris Karpichkov oo uu Wargeysku sheegay in isaga iyo qoyskiisu ay ku nool yihiin meel sir ah oo Ingiriiska ka mid ah kadib markii uu naftiisa kala soo baxsaday Ruushka ayaa Daily Mail u sheegay in saraakiil sare oo sirdoonka Ruushka ka mid ah oo ay xidhiidheen ay u xaqiijiyeen in ujeedada labaad ee diyaaradda soo ridisteeda uu Ruushku ka lahaa ay ahayd kor u qaadista iibka hubka dalka Ruushka lagu sameeyo gaar ahaanna suuqyada Bariga dhexe oo uu imikaba ka iibiyo hub qiimihiisu yahay Balaayiin Doolar. Taas oo macnaheedu yahay in soo ridista diyaaraddan uu Putin ku helay laba arrimood ama aynu odhan karno laba shimbirood uu dhagax keliya ku wada dilay.

Qisada:

Daily Mail waxa uu sheegay in markii fikirkan uu Putin ogolaaday kadib Masar loo soo diray basaas ku xeeldheer waxa afka sirdoonka lagu yidhaahdo “Hawlgallada bisil” oo looga jeedo hawlgallada dil ee aan raad ka tegin. Ninkani waxa uu yimid magaalo dalxiiseedka Sharma A-Sheekh oo ay ku sugnaayeen Boqollaal kun oo Ruush ahi, isaga oo ku andacoonayey in uu yahay askari Ruush ah oo Ukraine ka soo dagaal galay imikana nasasho u jooga Masar. Waxaaanu xidhiidh jacayl la yeeshay mid ka mid ah hablihii Ruushka ahaa ee Sharma Sheekh dalxiiska u joogay.

Markii la gaadhay waqtigii ay inantani ku noqon lahayd Ruushka gaar ahaan magaalada St Petersburg ayaa uu basaaskani u dhiibay hadyad uu sheegay in ay u geyso waalidkii oo magaaladaas ay tegeyso jooga, isaga oo ka faa’idaysanaya amniga dabacsanaa ee madaarka Sharma Sheekh ayaanu u raacay illaa gudaha hore ee madaarka.

Sarkaalkan ka tirsanaan Jiray KGB ee u warramay Daily Mail ayaa sheegay in Hadyaddani ay ahayd bam khatar ah oo ay ku jiraan maaddooyinka AHV7 oo si gaar ah loogu sameeyo hubka ay adeegsanayaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo keliyi. Waxa aanu ahaa bam waqti ku qarxaya laguna buuxiyey saacadda ay diyaaraddu hawada sare ee Siinaay ku beegnaanayso.

Putin hore ayuu farsamadan u isticmaalay:

 Warkan uu Geeska Afrika ka soo xiganayo Daily Mail waxa uu intaas ku darayaa in ay jiraan warar hore oo iyaguna sheegaya in Putin oo intii aanu madaxweynaha noqon ahaa taliyaha guud ee sirdoonkii Midowga Soofiyati ee KGB uu habkan oo kale adeegsaday 1999kii si uu taageero ugu helo dagaalkii dalka Jeejniya uu ku qaaday isla markaana ku helay shacbiyaddii dib loogu soo doortay. Putin isaga oo adeegsanaya sirdoonkiisa ayaa uu qarxiyo goobo dadku isugu yimaaddaan iyo guryo ku yaalla magaalooyin kala duwan oo dalkiisa ah waxaana isku darkooda ku dhintay 307 qof halka 1700 kalana dhaawacmeen, kadibna eedda falalkaas ayaa uu Putin dusha ka saaray Jabhadihii Muslimiinta Jeejniya, oo uu ku qaaday dagaal cirka ah oo aad u fool xun, dad badanina ku le’deen. Isna uu ku helay taageero kadib markii dadku u qaateen in uu dalka ka difaacayo amni darro, duniduna ku garab istaagtay in uu la dagaalamo Jabhadahan ay argagaxisada u arkayeen.

Wargeysku waxa uu warbixintan ku soo gabagabeeyey, waa laga yaabaa in warka Boris Karpichkov uu run yahay, waana ay dhici kartaa in uu yahay war uu ku sumcad dilayo uun taliyihiisii hore, (Putin), waxase ay u dhowdahay in dunida maanta ay marayso heer dadku ay diyaaradahooda qarxiyaan keliya si ay u kordhiyaan xaddiga hubka ama shidaalka laga iibsanayo dalka, ama si ay madaxdu kursiga ugu sii fadhido.

Xigasho Geeska Afrika