Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Milateriga Oo Ceerigaabo Lagu Dilay Iyo Guddoomiyaha Sanaag Oo Ka Hadlay

Ceerigaabo, (SLpost)- Alle ha u naxariistee magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa xalay lagu dilay taliyaha ciidanka milateriga guutada saddexaad ee gobolkaas, kaasoo mid ka mid askarta ciidanku uu rasaas ku furay.Taliyaha la dilay
Taliyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Saciid Cabdi Warsame ayaa waxa dilkiisa xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee Axmed Cabdi Fly ayaa idaacadda BBC-da u sheegay dilka taliyahaasi oo militariga ka tirsanaa, waxaanu gudoomiyaha sidoo kale xaqiijiyay in mid ka mid ah askartii uu xukumayay uu toogtay taliyaha la dilay, ee ciidamada Koofi-casta ka tirsanaa.

Waxaanu tacsi u diray ehelka iyo qaraabada uu ka dhintay Gaashaanle Saciid Cabdi Warsame. Wuxuuna tilmaamay in baadhitaan xoog leh uu hadda socdo.

Somalilandpost.net