Saraakiil ka tirsan Dekedda Berbera oo Tabobar ugu kicitimay dalka Jabuuti

Hargeysa, (SLpost)- Lix Sarkaal oo ka tirsan Saraakiisha Shaqaalaha Waaxaha kala duwan ee ka hawlgala Dekadda Berbera, ayaa shalay u kicitimay magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo ay tabobbar aqoon-korodhsi ah ku soo qaadan doonaan muddo 10 maalmood ah.

Cawil Aw Cabdi Cabdulle oo ah Madaxa qaybta Koontiinerrada Dekadda Berbera, isla markaana hoggaaminayey Kooxda aqoon-korodhsiga ugu ambabaxay dalka Jabuuti, ayaa intii aanay ka dhoofin garoonka diyaaradaha Caasimadda Hargeysa, waxa uu Warbaahinta ugu warramay qolka Nasashada ee Madaarka, isla markaana waxa uu sheegay inay Jabuuti u tagayaan tabobbar qaadan doono toban cisho, isla markaana ay ku soo baran doonaan aqoon wax badan ka tari karta adeegyada kala duwan ee ay Dekaddu u qabato bulshada.

“Waxaannu ka koobannahay Lix nin oo ka hawlgalayey qaybaha kala duwan ee ay Dekadda Berbera ka kooban tahay, markaa waxaannu maanta (shalay) u baxaynaa magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti, halkaas oo aannu ku soo qaadan doonno tabobbar noo socon doona muddo toban maalmood ah oo ka bilaabmaysa Sabtida Berri (Maanta).” Sidaa ayuu yidhi Hoggaamiyaha Kooxda Cawil Aw Cabdi Cabdalla.

Cawil oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Waxaannu soo baran doonnaa sida Dekadaha caalamka looga hawlgalo, markaa ka dib Dekedda Berbera waxay la jaan-qaadi doontaa Dekedaha casriga ah ee Dunida. Aqoonta aannu soo barayno oo ah mid aad aannu ugu baahnayn ma noqon doonto mid lixdayadan ku kooban, hase ahaatee, waxay noqon doontaa mid aannu guud ahaan shaqaalaha Dekadda Berbera ka hawlgala uga faa’iidayno oo waxaannu sii bari doonnaa, isla markaana tabobbarro u qaban donnaa Shaqaalaha Dekedda Berbera.”

“Tabobbarkan oo ay maal-gelisay WFP, waxyaabaha aannu ku soo baran doonnaa waxay kala yihiin; Habka loo maamulo keydinta macluumaadka iyo xogta Dekadaha, aqoonta hawlaha dejinta iyo rarista Maraakiibta iyo Koonteenarrada, qaabka dejinta iyo rarista guud ahaan Badeecadaha kala duwan ee Dekedaha iyo hawlaha dejinta iyo rarista Alaabada Adkaha ah Sida Xoolaha iyo waxa la halmaala iyo guud ahaan qaybahaa aan soo tiriyey sida loo maamulo waaxyaha ay hoos-tagaan. Markaa, waxaannu rejaynaynaa haddii Illaahay yidhaahdo inuu aqoon-korodhsigu Sabtida Berri (maanta) noo furmo, 19-ka bishan marka uu soo xidhmana aannu dalka ku soo laabanno.” Sidaa ayuu yidhi Cawil Aw Cabdi Cabdalle.

Hoggaamiyaha Kooxda Tabobbarka u tagay Jabuuti waxa uu Warbaahinta u sheegay magacyada Lixda qof ee ka midka ah Shaqaalaha Dekedda Berbera oo kala ah sidan:  Khadar Cali Cabdillaahi, Cawil Aw Cabdi Cabdulle, Ciise Cali Faarax, Cabdilaahi Axmed Maxamed, Saleebaan Axmed Maxamed iyo Khadar Muuse Xuseen lix Waaxood oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee ay Dekedda magaalada Berbera ka kooban tahay, kuwaasoo mid kastaa aqoonta Waaxda uu ka tirsan yahay soo baran doono.

Waa markii ugu horreysay ee shaqaale tiradaa leh oo ka hawlgala Dekedda Berbera tabobbar loogu diro dalka dibeddiisa. Si kastaba ha ahaatee, muddada sannadka iyo badhka ah ee uu xilka hayey Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, ayaa waxa qaybo badan oo Dekedda ah lagu sameeyey casriyeyn iyo ballaadhin, tayeyn iyo kor u qaadis lagu sameeyey Shaqaalaha kala duwan ee Dekedda ka hawlgala oo tabobbarro hore soo qaatay, taasoo haddii lagu sii wado wax badan ka beddali karta isla markaana horumarin kartaa fududaynta hawlaha iyo adeegyada ay Dekedda Berbera bulshada u qabato.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net