“Sannadkii Waxaanu Awood u Yeellanaynaa Inaanu Dejinno 200.000 oo Kontiinar, Heshiiska DP Waa Fursadii u Fiicnayd” Maareeyaha Dekadda

Hargeysa (SLpost)-  “Casriyayn lagu sameynayo dekadda Berbera oo lagu binaynayo goobihii adeega koontiinarada  oo suurtogelinaya inay marsaddani noqoto marin caalamiya, ayaa heshiiskeedii ay kala saxeexdeen dawladda Somaliland iyo shirkadda imaaraadka carabta laga leeyahay ee DP World, si dekadaasi u horumarto. Dekadani waxay  ku taallaa dalkan nabdoon ee degan,” Sidaa waxa lagu bilaabay warbixin uu maalgeshiga dekedda Berbera ka qoray Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya oo sheegay  in dekedda Berbera oo ku taalla bogcad istaraataji ah ay kaalin weyn ka qaadan doonto ganacsiga gobolka.

Berbera1Somaliland waxay ahayd dal aan la aqoonsanayn muddo 25 sannadood ah, waxaanay aaminsan yihiin horumarinta dekadoodu inay kaalin weyn ka qaadanayso  qaranimadooda. Dekedda Berbera waxa  inta badan ka dhoofa xoolaha nool ee ay dalalka khaliijka u iibgeyso, waxa kale oo ay dejisaa 40.000 oo kontiinar sannadkiiba.

“Waxaanu doonaynaa inaanu Berbera ka dhigno  mid ka mid ah dekedaha ganacsiga caalamka, isla markaana ay marin u noqoto Geeska Afrika,”ayuu yidhi Maareeyaha dekedda Cali Cumar Maxamed.

Wali macluumaadka heshiiska dekedda ee DP World  lama dhammaystirin, waxase ay Somaliland sheegtay in laba laabayso baaxadda iyo mugga marsadda. “Sannadkii waxaannu awood u yeellanaynaa inaanu  dejinno 200.000 oo koontiinar. Berbera waa mid  ku taalla meel istaraataji ah sida Jabuuti oo kale,”ayuu yidhi Maareeyaha dekeddu.

Berberi waxay  ku taallaa badda cas,  waxa mara badeecadaha u kala gudbaya Carabta, Asia iyo Yurub.

Somaliland  waxay haysataa  fursad ah inay wax uga soo degaan  dalka  Itoobiya aan badda lahayn ee la jaarka ah  oo suuqiisu kobcayo isla markaana ay dadkiisu yihiin illaa 96 Milyan oo qof.Somaliland waxay Itoobiya la saxeexatay bishii March ee sannadkan in badeecadaha Itoobiya qeyb ka mid ahi  ka soo degto  Berbera.

Heshiiskani waxa uu saamaynayaa iskaashiga Somaliland ku kasbanayso  dalalka Khaliijka. Kuwait waxay hore u maalgelisay dib u habayn lagu sameeyay Madaarka caasimadda Hargeysa, waxa kale oo ay dhistay dugsiyo lagu barto diinta. Halka Imaaraadka diyaaradoodu  ay  ka  mid tahay dhawr diyaaradood oo duulimaadyadoodu maalin walba tagaan Somaliland. “Heshiiska DP World waxa uu ahaa fursadii ugu fiicnayd,”ayuu yidhi Maareeyaha dekeddu.

Caqabadaha ugu badan  ee la sheegi karaana waa in la dhiso jid qaadi kara  Gaadiidka koontiinarada u sida Itoobiya. Somaliland oo dadkeedu yihiin afar milyan oo qof.Miisaaniyadda dawladda Somaliland waa  $250 Milyan oo doolar oo u dhiganta 220 Milyan oo Euro, waxaanay leedahay lacagteeda, balse ma awoodi karto inay la xidhiidho baanka adduunka  si ay uga soo deynsato dhaqaale ay ku horumariso kaabeyaasheeda  dhaqaalaha.”